Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada: Abaaraha ka jira Gobollada dalka oo Lacag dheeraad ah loogu deeqay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada: Abaaraha ka jira Gobollada dalka oo Lacag dheeraad ah loogu deeqay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yihiin abaaraha ka jira qeybo kamid ah gobollada dalka, Amniga iyo qodobo kale.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin la xiriirta ammaanka guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxana ay soo hadal qaadeen dagaalladii dhawaan ay la galeen Ciidamadda Ammaanka Puntland iyo Galmudug kooxihii firxadka ahaa , waxana uu goluhu boggaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamaddau kooxihii doonayey in ay khal-khal geliyaan amniga deeganadaas.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026

Waxana Goluhu cambaareeyeen falkii argagixisonimo ee shalay lala beegsaday muwaadiniin isugu jirta Soomaali iyo Turki, ee ka shaqeynayay magaalada Muqdisho iyo Qaraxii Argagixiso ee ka dhacay Gaalkacyo.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga dooday sidii Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay u kordhin lahayd dhaqaalaha ay ugu yabooheen dadka abaaruhu ku dhufteen, iyadoo intii uu shirku socda la falan-qeeyey sida ay muhiimka u tahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee la dhiban abaaraha. Golaha ayaana isku raacay in lagu daro lacagtii horey loogu yaboohay abaarta $1.291 Million Dollar, lacagtaas oo laga jari doono Howlwadeenada dawladda.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo caawin lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee ay sida ba’an abaaruhu u saameeyeen, waxana gurmadka abaaraha Xukuumaddu horey ugu magacawday Guddi u howlgala gacan siinta dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

Previous Post

Soo weydii Su’aal wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo marti ku ah Barnaamijka kulanka todobaadka

Next Post

B/weyne: Laba qof ayaa ku geeriyootay Masjid Caawa Bam gacmeed lagu tuuray

Next Post
Akhriso magacyada golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka G.Mudug Oo Gor dhaw lagu Dhawaaqay+Sawirro

B/weyne: Laba qof ayaa ku geeriyootay Masjid Caawa Bam gacmeed lagu tuuray

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

July 30, 2026
0

Wasiika Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In