Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM: “Kumanaan Soomaali Ah Ayaa Halis ku jira”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
QM: “Kumanaan Soomaali Ah Ayaa Halis ku jira”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

QM ayaa maanta sheegtay in kumanaan kun oo Soomaali ah ay dhiman karaan haddii dalalka deeqaha bixiya aanay gar-gaar dheeraad ah ku bixin dadka ay ku dhufteen abaaraha ka jira Somaliland iyo Puntland.

Madaxa Hay’adda QM ee Somalia Peter de Clercq ayaa arrintan ka sheegay shir jar’aaid oo uu ku qabtay magaalada Nairobi.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026

“Maanta waxaan bilaabaynaa codsi gargaar oo la xiriira El Nino iyo abaaraha Somalia, si aan u kordhino wacyi galinta ku aaddan lacagaha lagaga jawaabayo abaaraha. Waxaan doonaynaa 105 milyan oo dollar si loo gaaro dad ka badan 1 milyan oo qof, iyada oo kaalmo naf lagu badbaadinayo abaar oo darani ka jirto Punltand iyo Somaliland.” Ayuu yiri.

1.7 milyan oo qof, oo ah 40% tirada dadka Soomaalida ee ku nool Puntland iyo Somaliland ayaa gargaar degdeg ah u baahan, sida uu sheegay Peter de Clercq.

“Qiyaastii 1.7 milyan oo qof ayaa u baahan nooc kaalmo oo bani’aadiminimo iyo mid naftooda lagu taakuleynayo, kuwaas oo ka jira Puntland iyo Somaliland. Tiradan, qiyaastii 385 kun ayaa la kulmaya cunto yari aad u daran. 1.3 milyan oo kale ayaa ku sii silbanaya cunto xumida aadka u daran, haddii aanay kaalmo helin.”

Peter de Clercq ayaa sheegay in bilaha soo socda abaaruhu ay ku sii xumaan karaan woqooyiga Somalia, maaddaama, sida la saadaalinayo, roobabkii gu’ga ee bilaha March iyo June ayan xoog badnayn.

“Talaabo degdeg ah ayaa hadda loo baahan yahay. Haddii kale, waxaan khatar ugu jirnaa xaaladda oo si dhakhso oo qoto dheer u xumaata. Bulshooyinka ayaa waxay waayayaan waxyaabihii ay ku badbaadi lahaayeen. Waxaan doonaynaa inaan joojino nafta baxaysa iyo barakaca lagu khasban yahay, iyada oo dadku ayna wax kale haysan oo aan ahayn inay raadsadaan cunto, biyo, iyo meel wax ka soo galaan.” ayuu yiri.

Hay’adaha gargaarka ayey dhibaaato ka haysataa inay lacag u uruuriyaan malaayiinta qof ee abaaruhu ay ku dhufteen ee bariga iyo koonfurta qaaradda Afrika, kuwaas oo ay ku dhufatay dabeyshii El Nino ee ugu xoogga badneyd muddo 10-eeyo sano ah.

Digniinahan ayaa imanaya iyada oo dalka dariska la ah ee Ethiopia uu isna la hardamayo la dagaalanka abaarihii ugu xumaa muddo 30 sano ah, iyada oo dad ka badan hal milyan ay u baahan yihiin gargaar cunto.

Hay’adda UNICEF ayaa iyaduna sheegtay in nafaqo darrada Ethiopia ay si xun u saameysay 435 kun oo caruur ah.

Previous Post

Madaxweynaha “duulaan ayay ciidamada dowladda ku qaadeen Al-shabaab”

Next Post

Munaasabad ku saabsan dhiso dalkaaga oo xalay lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Munaasabad ku saabsan dhiso dalkaaga oo xalay lagu qabtay Muqdisho  “SAWIRRO”

Munaasabad ku saabsan dhiso dalkaaga oo xalay lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In