Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dayactirka waddo muhiim ah oo maanta Baydhabo laga billaabay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dayactirka waddo muhiim ah oo maanta Baydhabo laga billaabay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo  ayaa maanta siwadajir ah
u dhagaxdhigay  Wadddo  muhiim u ah marinka gaadiidka xamuulka qaada ee isticmaala gudaha magaalada baydhabo taas oo dib u dayactir iyo hagaajin laga billaabay.

Waddadaan oo lagu magacaabo Soddonka islamarkaana burbursaneyd 20 kii sano ee la soo dhaafay ayaa haatan waxaa dib u dayactirkan lagu sameynayo gacan ka gaysanaya hay’adaha DDG iyo DRC iyo maamulka magaalada,

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026

Waxaana dhinaca kale si iskood ah uga baxay waddada si bulshada uga wada faa’ideysato qaar ka mid ah qoysas markii horaba ku soo durgay waddada kuwaas oo garawsaday muhiimadda ay ummadda u leedahay dhismaha waddadaasi taasina waxa ay ka dambeysay markii uu maamulka kulan la qaatay qaar ka mid ah bulshada dagan magaalada Baydhabo.

Dr Cali Rooble oo kamid ah dadka guryahooda kusoodhawaaday waddada dib u dayactirka lagu sameynayo ayaa sheegay in uu garawsaday in gurigiisa oo aad u qurux badanaa uu gacantiisa ku burburiyo si danta guud ee bulshada uu uga shaqeeyo, isagoo shacabka reer Baydhabo guud ahaantood ugu baaqay in ay ku daydaan si waddada la dhisayo looga wada faa’ideysto

Guddoomiyaha degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin iyo guddoomiyaha gobolka Baay Cabdirashiid Cabdulaahi ayaa si wadajir ah u sheegay in  in aan marna laga aqbali doonin dadka guryahoodu soo galay waddada, lana burburin doono, waxeyna ugu baaqeen shacabka Baydhabo in ay gacan ka gaystaan dhismaha magaaladooda.

Maamulka gobolka iyo kan degmada Baydhabo ayaa muddooyinkan  waxaa ay xoogga saarayeen  dib u dhiska waddooyinka magaalada Baydhabo taas oo kamid ahayd ballan qaadyadoodii ay sameeyeen ka hor inta aysan qaban xilalka ay hadda hayaan.

Wariyaha Baydhabo Siraaji Shiekh Isxaaq

vlcsnap-2016-04-12-00h55m11s16 vlcsnap-2016-04-12-00h55m15s53 vlcsnap-2016-04-12-00h55m18s84 vlcsnap-2016-04-12-00h55m21s115 vlcsnap-2016-04-12-00h55m28s186 vlcsnap-2016-04-12-00h55m35s250 vlcsnap-2016-04-12-00h55m42s64 vlcsnap-2016-04-12-00h55m53s178 vlcsnap-2016-04-12-00h55m59s234 vlcsnap-2016-04-12-00h57m37s188 vlcsnap-2016-04-12-00h59m38s124 vlcsnap-2016-04-12-00h59m41s157 vlcsnap-2016-04-12-00h59m59s78 vlcsnap-2016-04-12-01h00m23s59 vlcsnap-2016-04-12-01h00m26s89 vlcsnap-2016-04-12-01h00m32s146 vlcsnap-2016-04-12-01h00m34s174 vlcsnap-2016-04-12-01h00m46s38 vlcsnap-2016-04-12-01h01m08s255

Previous Post

Maamulka Bari oo maanta la kulmay Odayaasha ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay Xasan Xanafi

Next Post
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay Xasan Xanafi

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay Xasan Xanafi

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In