Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska xarunta hogaanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska xarunta hogaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in dib u dayactir xooggan uu ka socdo xarunta hogaanka gaadiidka, halkaasi oo uu maanta howlo kormeer ah ku tegay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo ku-xigeenkiisa labaad Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi.

Taliyaha hogaanka gaadiidka booliska oo u warramay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlaha dib u dhiska ah ee ka socda xarunta hogaanka booliska oo bur bur ka soo gaartay dhibaatadii dalka kacay 25-kii sano ee la soo dhaafay, isagoo intaa ku daray in taliyaha booliska iyo taliye xigeenka ay ku soo wareegeen qeybaha dib u dhiska uu ka socdo oo ay ka midtahay goobihii lagu dayactiri jiray gaadiidka booliska.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

“Taliyaha ciidanka booliska iyo ku-xigeenkiisa ayaa nagu soo booqday xarunta maanta, waxaana aan ku soo wareejinay goobaha dib u dhiska ka socda hogaanka gaadiidka booliska, oo ay ka midtahay goobihii lagu dayactiri jiray gaadiidka booliska sida, Rebaartooyinka kala duwan, rinjiilaha, dabyaqaanka, matooristaha, goomistaha, bambiistaha iyo meelo kale oo badan” ayuu yirii taliyaha oo hadalkiisa ku daray in ay qorsheynayaan sidii xarunta ay noqon lahayd goob sidoo kale lagu dayactiro gaadiidka dowladda oo dhan.

Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa xusay in goobaha dib u dayactirka lagu sameynayo ay tahay garaashkii weynaa ee gambolooladii gaadiidka la dhigan jiray, si ay dib u soo ceshato xarunta howlahii ay qaban jirtay, isagoo intaa ku daray in howlaha dib u dayactirka ay ka caawinayaan Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale, taliyaha qeybta nabadgelyada waddooyinka Kornayl Cali Maxamed Cali iyo ganacsato Soomaaliyeed.

“Runtii meelaha qaar waxaa dhismaha gacan ka geystay oo lagu dhisay mushaarkii ay iska jareen ciidanka ka tirsan hogaanka gaadiidka booliska oo aan anigu ugu horeeyo, taasi oo aan kaga daysanay, Halku dhigii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ee ahaa dhiso dalkaag, iyo halku dhigii kale ee guddoomiyaha goboka ee ahaa, hal doolar ku dhiso dalkaaga, marka shacabka xilligan waxa ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud, oo laga gudbay xilligii aan gacan kale wax ka sugeynay” ayuu yiri  Kornayl Bishaar Abshir Geedi.

Kornayl Bishaar Abshir Geedi Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay madaxda dowladda iyo ganacstada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarunta hogaanka gaadiidka booliska.BH0A9337 BH0A9338 BH0A9339 BH0A9352 BH0A9353 BH0A9354 BH0A9376 BH0A9377 BH0A9390 BH0A9392

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Ruushka ka codsaday in Soomaaliya laga taageero amniga

Next Post
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Ruushka ka codsaday in Soomaaliya laga taageero amniga

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Ruushka ka codsaday in Soomaaliya laga taageero amniga

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In