Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax lagu muujinayay dhibaatada Tahriibka oo maanta muqdisho ka dhacay+SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dibad bax lagu muujinayay dhibaatada Tahriibka oo maanta muqdisho ka dhacay+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bannaan bax lagaga soo horjeedo sii socoshada tahriibta bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay qaybo ka mida magaalada Muqdisho.

Muddaaharaadkan oo ay qaban qaabadiisu lahayd wasaaradda dhallin-yarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ahaa mid xambaarsan digniino ku aaddan qataraha ka iman kara socdaalka sharci darrada ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026

Dibed baxayaasha oo u badnaa da’yarta wax ka barata Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho,ayaa ku dhawaaqayay ereyo lagu wacyi gelinayo dhallinta ku dhammaanaysa marinnada halista ah ee u dhexeeya Afrika iyo Yurub.

Wasiirka wasaaradda dhallin-yarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi xasan (Nuux) oo goob fagaara kulahadlay Boqolal dhalinyara ayaa ugu baaqay in laga hortago Tahriibta,si wada jir ahna loogu guntado joojinta safarrada halista ah.

Wasiir Nuux ayaa da’yarta Soomaaliyeed ee isu soo baxa isugu timi ku boorriyay iney dalkooda iimaansadaan isla markaana ay la yimaaddaan fekrado laga samayn karo shaqa abuuur,isagoo ballan qaaday iney wasaaraddiisu si weyn u garab istaagi doonto.

Horaantii todobaadkan ayey ahayd markii dhallin-yaro kor u dhafaysa 400 oo qof una badan Soomaali ay ku naf-wayeen badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga,xilli ay doonayeen iney fursado shaqo ka raadsadaan waddamada reer Yurub

t2 t3 t4 t5 t6 tahriibka

Previous Post

Heeskii wacad baa inoo yaal ciideyda wacaneey wacadbaa inoo yaal+Dhageyso

Next Post

Guddoomiyayaasha degmoyinka gobolka iyo taliyayaasha Saldhigyada Booliska oo tababar loo soo xeray+SAWIRRO

Next Post
Guddoomiyayaasha degmoyinka gobolka iyo taliyayaasha Saldhigyada Booliska oo tababar loo soo xeray+SAWIRRO

Guddoomiyayaasha degmoyinka gobolka iyo taliyayaasha Saldhigyada Booliska oo tababar loo soo xeray+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Minister of Foreign Affairs Pays Condolence Visit to the Embassy of Qatar

July 14, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, paid a condolence visit to the Embassy of the State...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In