Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax lagu muujinayay dhibaatada Tahriibka oo maanta muqdisho ka dhacay+SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 21, 2016
in Wararka
0
Dibad bax lagu muujinayay dhibaatada Tahriibka oo maanta muqdisho ka dhacay+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bannaan bax lagaga soo horjeedo sii socoshada tahriibta bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay qaybo ka mida magaalada Muqdisho.

Muddaaharaadkan oo ay qaban qaabadiisu lahayd wasaaradda dhallin-yarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ahaa mid xambaarsan digniino ku aaddan qataraha ka iman kara socdaalka sharci darrada ah.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025

Dibed baxayaasha oo u badnaa da’yarta wax ka barata Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho,ayaa ku dhawaaqayay ereyo lagu wacyi gelinayo dhallinta ku dhammaanaysa marinnada halista ah ee u dhexeeya Afrika iyo Yurub.

Wasiirka wasaaradda dhallin-yarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi xasan (Nuux) oo goob fagaara kulahadlay Boqolal dhalinyara ayaa ugu baaqay in laga hortago Tahriibta,si wada jir ahna loogu guntado joojinta safarrada halista ah.

Wasiir Nuux ayaa da’yarta Soomaaliyeed ee isu soo baxa isugu timi ku boorriyay iney dalkooda iimaansadaan isla markaana ay la yimaaddaan fekrado laga samayn karo shaqa abuuur,isagoo ballan qaaday iney wasaaraddiisu si weyn u garab istaagi doonto.

Horaantii todobaadkan ayey ahayd markii dhallin-yaro kor u dhafaysa 400 oo qof una badan Soomaali ay ku naf-wayeen badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga,xilli ay doonayeen iney fursado shaqo ka raadsadaan waddamada reer Yurub

t2 t3 t4 t5 t6 tahriibka

Previous Post

Heeskii wacad baa inoo yaal ciideyda wacaneey wacadbaa inoo yaal+Dhageyso

Next Post

Guddoomiyayaasha degmoyinka gobolka iyo taliyayaasha Saldhigyada Booliska oo tababar loo soo xeray+SAWIRRO

Next Post
Guddoomiyayaasha degmoyinka gobolka iyo taliyayaasha Saldhigyada Booliska oo tababar loo soo xeray+SAWIRRO

Guddoomiyayaasha degmoyinka gobolka iyo taliyayaasha Saldhigyada Booliska oo tababar loo soo xeray+SAWIRRO

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In