Xafladan oo ay ku qalin jabinaayeen arday ka socotay Dowlado kala duwan oo ay Soomaaliya Hormuud u aheyd ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socotay Safaarada Soomaalida oo uu hor kacayay lataliyaha koowaad ee Safaarada Ibraahim Guure Maxamed, Xogahaya Safaarada, iyo Xoghaya jaaliyada Soomaaliyeed ee Suudaan, Gudoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan, Suldaan Kamaal oo kamida Salaadiinta Soomaaliyeed, Masuuliyiin ka socoday Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Suudaan gaar ahaan Hay’ada u qaabilsan ardayda ajaanibta, Maamulka jaamacada iyo Masuuliyiin kale.
Xaflada oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa ka hor inta aysan Bilaaban waxa ay ardayda Qalin jabisay oo ay whlinayeen Ciidamada Baambayda Socod kusoo mareen Wadooyinka Magaalada Qadaarif.
La taliyaha koowaad ee Safaarada Soomaaliyeed ee Suudaan oo kalmad ka jeediyay Madasha ayaa u mahadceliyay dowlada aan walaalaha nahay ee Suudaan sidoo kalena la dardaarmay ardayda Soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan sidii ay wax kaga qaban lahaayeen Xaalada dalkooda hooyo.
Gabagabada Xaflada ayey dhalinyarada Soomaaliyeed soo bandhigeen Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqankeena Hooyo taa oo ay u riyaaqeen shacabki madasha ku sugnaa
Mohamed Abdikadir So’dal