Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka difaaca ee Turkiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka difaaca ee Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen oo ay wehliyaan madaxa hogaanka saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga kula kumey dhiggiisa Turkiga.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay arrimo badan oo muhiim ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin siidi Wasaaradda gaashaandhigga Turkiga gacan uga geysan lahayd dib u dhiska Xarunta Wasaarada difaaca Soomaaliya, labada mas’uul ayaa waxa ay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta ammaanka xeebaha Soomaaliya oo dhawr mar laga qabtey hub sid sharci darra ah ugu soo socdey kooxaha nabdiidka, waxana labada mas’uul ay isku raceen in la dhiso ciidamada badda oo loo dhameeystiro qalabka.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xuseen ayaa sheegey in Wasaarada difaaca ee Turkiga ay kala hadleen tababbarada ciidamada xoogga dalka iyo in ay ka tageeraan la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo in dib loo soo nooleeyo hantidii uu lahaan jirey ciidamada xoogga dalka oo ay ka mid yihiin Warshadihii ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Cismad Yalmas ayaa ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaallada ay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ugu jirto dib u soo nooleynta ciidamada Xoogga dalka ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa horay u ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayso dib u dhiska ciidamada iyo qalabeyntooda, iyadoo Turkiga ay ka midtahay dalalka sida tooska ah u caawiya dowladda Soomaaliya.

Previous Post

R/wasaaraha dalka oo muqdisho ku soo laabtay

Next Post

Heeska Howl qabad: Bulshooy qaranimada hano Bulshooy had iyo goor heegan noqo Bulshooy

Next Post
Barnamijka, Falanqaynta Ciyaaraha oo looga haddlaayay Xiriirka Cusub ee Kubadd Cag yaraha Soomaaliyeed” Dhagayso”

Heeska Howl qabad: Bulshooy qaranimada hano Bulshooy had iyo goor heegan noqo Bulshooy

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In