Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaasha Baarlamaanka oo dood ka yeeshay hindise sharciyeedka dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Mudanayaasha Baarlamaanka oo dood ka yeeshay hindise sharciyeedka dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen Hindise Sharciyeedka dhismaha Xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Doodda Hindise Sharciyeedka dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka waxa ay XIldhibaannadu ku biirinayeen sharcigan aragtidooda ayadoo tallooyinka Mudaneyaasha Baarlamaanku ay ku qotomeen:- tirada xubnaha
xisbiyada furanaya, in shaqaallaha dowladda iyo askarta ay ka mid noqon karaan Xisbiyada, cida noqoneysa diiwaan geliyaha Xisbiyada iyo in la xadido tirada Xisbiyada uu dalku yeelan karo.

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

December 2, 2025
Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025

Ku simaha guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo markii ay Xildhibaannada tallooyinkooda dhiibteen kadib ka hadlay kulanka ayaa uga mahad celiyey Mudaneyaasha Baarlamaanka tallooyinka,waqtiga iyo juhdiga ay geliyeen Sharcigan waxaana uu u ballan qaaday Xildhibaannada in
aragtidooda uu sharcigan ka dhex muuqan doono hadii uu Alle idmo.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka Baarlamaanka shir guddoominayey ayaa tilmaamay in ay aragtidooda ku biiriyeen sharcigan 27 xildhibaan
waxaana uu Madaneyaasha Baarlamaanka uga mahad celiyey dulqaadka iyo adkeysiga ay muujiyeen.

Hindise sharciyeedka dhismaha Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa markiisii ugu horeysay waxaa soo diyaariyey guddi hoosaad uu Baarlamaanku u sameeyey kadibna waxaa loo gudbiyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ayagu wax ka bedel kusoo sameeyey deetana Baarlamaanka dib ugu soo celiyey waxaana sharcigan hada u haray laba marxaladood oo kala ah akhrinta Seddexaad iyo codeyn.

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

R/wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirki dib eegista dastuurka “Sawirro”

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirki dib eegista dastuurka “Sawirro”

R/wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirki dib eegista dastuurka "Sawirro"

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

December 2, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeybgalay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Guddoomiyayaasha...

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In