Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaasha Baarlamaanka oo dood ka yeeshay hindise sharciyeedka dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Mudanayaasha Baarlamaanka oo dood ka yeeshay hindise sharciyeedka dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen Hindise Sharciyeedka dhismaha Xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Doodda Hindise Sharciyeedka dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka waxa ay XIldhibaannadu ku biirinayeen sharcigan aragtidooda ayadoo tallooyinka Mudaneyaasha Baarlamaanku ay ku qotomeen:- tirada xubnaha
xisbiyada furanaya, in shaqaallaha dowladda iyo askarta ay ka mid noqon karaan Xisbiyada, cida noqoneysa diiwaan geliyaha Xisbiyada iyo in la xadido tirada Xisbiyada uu dalku yeelan karo.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Ku simaha guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo markii ay Xildhibaannada tallooyinkooda dhiibteen kadib ka hadlay kulanka ayaa uga mahad celiyey Mudaneyaasha Baarlamaanka tallooyinka,waqtiga iyo juhdiga ay geliyeen Sharcigan waxaana uu u ballan qaaday Xildhibaannada in
aragtidooda uu sharcigan ka dhex muuqan doono hadii uu Alle idmo.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka Baarlamaanka shir guddoominayey ayaa tilmaamay in ay aragtidooda ku biiriyeen sharcigan 27 xildhibaan
waxaana uu Madaneyaasha Baarlamaanka uga mahad celiyey dulqaadka iyo adkeysiga ay muujiyeen.

Hindise sharciyeedka dhismaha Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa markiisii ugu horeysay waxaa soo diyaariyey guddi hoosaad uu Baarlamaanku u sameeyey kadibna waxaa loo gudbiyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ayagu wax ka bedel kusoo sameeyey deetana Baarlamaanka dib ugu soo celiyey waxaana sharcigan hada u haray laba marxaladood oo kala ah akhrinta Seddexaad iyo codeyn.

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

R/wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirki dib eegista dastuurka “Sawirro”

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirki dib eegista dastuurka “Sawirro”

R/wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirki dib eegista dastuurka "Sawirro"

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In