Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaqda lagu shubo Xeebaha dalka oo laga digay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasaqda lagu shubo Xeebaha dalka oo laga digay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Cilmi baarista iyo badaha Soomaaliya ayaa maanta siminaar ku saabsan ka hortagga wasaqda lagu shubayo badda u soo gabo gabeeyay qaar ka mid ah shacabka ku nool degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Siminaarkan oo socday muddo saddex cisho ah, isla markaana lagu baranayay sida looga hortagi karo wasaqada lagu shubayo xeebaha dalka iyo dhibaatooyinka ka dhasha oo ay bixinayeen macalimiin taqasus u leh arrimahasi ayaa lagu soo gbao gabeeyay degmada c/casiis, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta hay’adda cilmibaarista iyo badaha Soomaaliya, maamulka degmada C/casiis iyo xubno kale.

Related posts

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026

Dadkii ka qeyb galay siminaarka ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin in loo qabto siminaar lagu wacyi gelinayo ka ka hortagida wasaqda lagu shubayo xeebaha dalka, ayna gacan ka geysanayaan sidii arrimahaasi looga hortagi lahaa

Guddoomiye ku-xigeenka degmada C/casiis ee dhanka arrimaha bulshada Eng, Maxamuud Cabdullaahi Axmed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay balan qaadayaan in bulaacadaha aan mar dambe lagu shubi doonin xeebta, ayna sharciga la tiigsan doonaan cidkasta oo ay arrimahaasi ku arkaan.

“Casharada halkan aan ka bartay waxaa ka mid ahayd wasaqeynta badda, reer C/casiis hadaan nahay, kan maamul ahaan bulaacad magaalada laga keenay inaan xeebta lagu shubi doonin, sidaas oo kale khamiistii iyo jimcihii waxaan sameynay inaan qaadno bacaha ay dadka jalaatada ka cunaan oo aan ognahay inay kiimiko ku jirto”ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka,

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmibaarista iyo badaha Soomaaliya Admiral faarax Axmed Cumar {Qare} ayaa tilmaamay in siminaarkan uu yahay sidii bulshada ku dhaqan xeebaha magaalada Muqdisho loogu qaban lahaa wacyi gelin ku saabsan ka hortagga wasaqda lagu shubayo xeebaha dalka.

“Sidaas awgeed ayan bilownay inaan abaabulno wacyigelin duruus lagu baranayo, oo aan ka bilownay degmada C/casiis, kaasi oo socday muddo saddex cisho ah, dhibaatada bada lagu hayo ayaa keentay inaan u qabano, waxaana ka dignay in aan qashinka lagu shubin, bulaacadaha aan lagu shubin iyo lagana ilaaliyo dhiiga kawaanada xoola qalka ah, waayo dhibaatooyin ayay keenayaan, sababtoo ah laguma qubeysan karo” ayuu yiri Faarax Qare.

Siminaarada nuucaani oo kale ayaa ah kuwa lagu baraarujinayo bulshada Soomaaliyeed inay ka hortagaan wasaqda lagu shubayo xeebaha dalka

Previous Post

Xudur deegaano hoos yimaado oo Al-shabaab laga saaray

Next Post

Barlamaanka oo maanta ka dooday Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda

Next Post
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin

Barlamaanka oo maanta ka dooday Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee...

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In