Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha oo baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan hanaanka doorashada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hananka  geedi socodka doorashooyinka  sanadkaan  2016 ka la filayo in ay  Soomaaliya ka dhacdo  ayaa lagu go’amiyey shir heer Qaranka  oo qabsoomay  magalooyinka  Muqdisho iyo Kismaayo  kuwas oo ay hormuud u ahayd Xukumadda Fderaalka Soomaaliya .

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta barlamaanka  u gudbiyey qorshaha Xukumadda  ee doorashooyinka  dalka  ee sanadkan ,waxaana ka mid ah in aqalka hoose ee Barlamaanka uu ka kooban doono 275 Xildhibaan kuwaasi oo lagu soo xuli doono hananka beelaha ee 4.5,  aqlka sare ee barlamanka   oo isna ka koonan doono 54 mudane ay ku imaanayaan  6da  mamaul goboleed ka jira dalka , isla markaana hawenku ku yeshaan %30  golle kasta, iyadoo doorashada ay ka dhaceyso caasimadda dowlad goboleedyada jira, marka laga reebo maamulka Somaliland.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026

Ra’iislasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke oo  Xildhibanaadda u akhriyey qorshaha Xukumadda  ee  doorashoooyinka dalka  ayaa tilmaamay in hanankaan doorasho uu ku yimid wada tashi loo dhan yahay , isagoo  golaha shacabaka ka dalbaday  in  ay meel mariyaan.

Guddoomiyaha  Barlamaanka  Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa  Xildhibanada ka  maqan  kalfadhigaan 8aad  u diray dignin ku aadan in   ay beesha iyo guddiyada  doorashooyinka ee soo xulay u gudbin doonaan  warbixin ah in uu gudan waayey waajibkiisa Xildhibaanimo.

Qorshaha doorashooyinka  2016ka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ay maanta u gudbisay golaha shacabaka  ayaa  guddoomku barlamaanku waxa uu Xildhibanaada siiyey in maalinta berito ah ay  soo aqristan  , hadii uu Alle idmanadda maalinta Isniinta  la guda geli doono  dooda  qorshaha  Xukuumadda ee doorashooyinka.

W/D:Nasra Bashiir Cali

 

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo Shabaab kala watreegay Deegaanno ka mid ah Sh/dhexe

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In