Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay wefdi balaaran oo ka kala socday dawladda Federaalka Soomaaliya, dawladda Talyaaniga iyo urur goboleedka IGAD.
Wefdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ku soo dhoweeyey Xubno ka tirsan maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada reer Boosaaso.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in waftigu ay u yimaadeen ka qayb galka daah-furka dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka caalamiga ee Boosaaso oo maalinta berri ah lagu qaban doono isla garoonkaasi munaasabad ballaaran oo lagu daah-furi doono mashruucaasi.
Madaxweynaha Puntland ayaa dawladda talyaaniga uga mahadnaqay taageerooyinka ay u fidiyeen Puntland, isla marahaantaane sheegay in dawladda Talyaanigu ay tahay dawladda keliya ee Puntland ka hirgelisey mashaariicda ugu waawey tan iyo markii la’ aasaasay Puntland 1998-dii iyo xiliyidii sideetamaadkiiba, isla markaana sheegay in shacabka Puntland aanay iloobi doonin sida ay u garab is taagtey dawadda Talyaanigu.
Madaxweynaha Puntland, Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya iyo xog-hayaha guud ee urur Goboleedka IGAD mudane Maxbuub Macalin ayaa si wada jir ah xarigga uga jaray waddo laami ah oo gaadheysa 2km oo isku xiri doonta Dekedda iyo jidka soddonka oo ay maal-gelisey dawladda Talyaanigu.