Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wajigii labaad ee Garoonka Boosaaso oo maanta la daah-furay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wajigii labaad ee Garoonka Boosaaso oo maanta la daah-furay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabdda daahfurka waxaa kasoo qayb galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, xubno ka tirsan labada gole ee  Puntland, Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya, Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya, Danjiraha dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan IGAD, hay’ado ka socdey qaramada midoobey, Isimo, culumaa’udiin iyo dadweyne aad u tiro badan.

Munaasabadda ayaa ahayd mid looga dhawaaqayey daah-furka wejigii labaad ee Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso oo isugu jira 4-weji oo kala ah  1km oo lagu dari doono waddada ay diyaaraduhu ku ordaan (Runway), Terminal weyn oo lamid ah kuwa caalamiga ah, baarkinadii diyaaraduhu ay istaagi lahaayeen (Parking) oo la sii ballaarin doono iyo nalayntii ama iftiimintii garoonka, si’uu u noqdo mid habeen iyo maalin isku si’ loo adeegsado, isla markaana dhaqaalaha ku baxay.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Fabrezio Mercelli oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ballan qaaday in mashruucaan oo ka kooban 4-ta weji ee aan kor kusoo xusay ay dawladda Talyaanigu dhaqaalaha ku baxaya hal mar sii wada deyn doonto, isla markaana ay fulinta mashruucan u wakiilan doonto urur goboleed IGAD.

Sidoo kale Danjiruhu waxa uu ammaanay sida hufnaanta leh ee ay dawladda Puntland u fulisey wejigii koobaad ee Madaarka oo sidii loogu talo galay loo hirgeliyey isla markaana waxaa  uu sheegay in dawladda Puntland ay tusaale u tahay Soomaalida inteeda kale iyo guud ahaan geeska Afrika.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dawladda Puntland ay aad usoo dhoweynayso uguna faraxsantahay taageerada lixaadka leh ee ay dawladda Talyaanigu siinayso Puntland, isagoona intaa sii raaciyey in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba aanay iloobi doonin garab istaagga ay ka heleen dawladda Talyaaniga xilli ay aad ugu baahan yihiin.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in garoonka caalamiga ah ee Boosaaso uu noqon doono garoomada ugu caalamisan qaaradda Afrika isla markaana uu wax badan ka beddeli doono dhaqaalaha Puntland iyo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in aan mashaariicdani ka hirgaleen Puntland haddii aanu kajirin  amni buuxa, isla markaana waxa uu ugu baaqay shacabka Puntland in ay adkaystaan amnigooda iyo xasiloonidooda,  ayna  u midoobaan  sidii ay isaga qaban lahaayeen cid walba oo khal-khal gelin karta nabad gelyadooda.

IMG_7334 IMG_7338 IMG_7351 IMG_7355 IMG_7358 IMG_7362 IMG_7369 IMG_7382 IMG_7419 IMG_7472 IMG_7506 IMG_7546

Previous Post

Howlgal ciidan oo ka socda Shabeelaha dhexe-Sawirro

Next Post

Kooxda kubbada kolayga ee I. L. S. oo la ganaaxay

Next Post
Kooxda kubbada kolayga ee I. L. S. oo la ganaaxay

Kooxda kubbada kolayga ee I. L. S. oo la ganaaxay

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In