Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhalinyaro Al-shabaab ka soo goostay oo Shaqa-abuur loo sameeyay+SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 6, 2016
in Wararka
0
Dhalinyaro Al-shabaab ka soo goostay oo Shaqa-abuur loo sameeyay+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyaad horay uga tirsanaa Al-shabaab ayaa ka Qalin-jabiyay xarunta Dhaqan-celinta Baydhaba ee Dowlad goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya, kaddib markii ay dhameysteen barnaamij dhaqan-celin ah oo aad u adag, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Xafiiska QM ee Somalia [UNSOM].

Dhallinyarada dhaqancelinta loo sammeeyay ayaa isugu jira 20 Rag ah iyo 19 Haween ah, kuwaas oo inta ay Xarunta Dhaqan-celinta Baydhaba ku jireen qaatay Tababarro Farsamada gacanta ah iyo Tallooyin la xiriira Cilmu-nafsiga, kaasoo lugu fuliyay  Maal-gelin ka timid Dowladda Jarmalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Sanduuqa Hawl-galka Qaramada Midoobey ee Taakuleynta Somalia, UNSOM ayaa gacan ka geystay taabo-galinta hoy-nabdoon oo loogu talo-galay in lagu dhaqan-celiyo Haweenka horay uga tirsanaa Al-shabaab oo laga Hir-geliyey Baydhaba.

Labadan Mashruuc, waxaa fuliyay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Middan waa munaasabadii labaad ee ay ku qalin-jabiyaan Maleeshiyaad  Al-shabaab  horay uga tirsanaa tan iyo markii xaruntan laga hir-galiyay Degmada Baydhaba.

“Waxaan Baydhaba imid anigoo nafteyda u cabsanaya, Mid ka mid aah saaxiibaday ayaa ii sheegay xaruntan.  Waxaan xaqiiqsaday in xaruntaani tahay meesha keliya ee aan ku bad-baadi karo. Wax badan ayaan bartay. Isbeddel dhab ah  ayaa ku yimid Nolosheyda tan iyo markii aan xaruntaan imid. Waa la i soo dhaweeyay, Waxaana la i siiyey Guri iyo Cunno. Waxaase intaba iiga sii muhiimsan Tababbarka iyo La-talinta aan helay,”  ayay tiri Nimca oo horay uga tirsanayd Kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, Batuula oo iyana horay uga mid ahayd  Al-shabaab ayaa ku boorrisay deeq-bixiyeyaashu inay sii wadaan maal-gelinta mashruuca, si dhallin badan oo Al-shabaab ka tagay ay fursad uga helaan xaruntaan, iyadoo tiri, “Waxaan rabnaa in Haweenka mudnaan gaar ah la siiyo. Raggu waxay haystaan xarun shaqeynaysa. Waxaan rabnaa in haweenkana taasoo kale loo helo. Waayo dumarku waa laf-dhabarka Bulshada.

Munaasibadda Qalin-jabinta Dhallinyaradan ayaa waxaa ka soo Qayb-galay xubno ka socday dowlad gobaleedka Koofur Galbeed, oo uu ka mid yahay Wasiirka hub-ka-dhigista iyo Dhaqan-celinta Xasan Ibraahim Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Bay, C/rashiid C/llaahi iyo  Guddoomiyaha Baydhaba C/llaahi Cali Watiin. Iyo xubno kale oo matalayay bulshada rayidka ah, Hoggaamiyeyaal Diimeed iyo Odayaal-dhaqameed.

“Maanta waa maalin weyn. Waxaan ku Guuleysannay inaan dhallinyaradan ku qancinno in ay nabadda  qaataan, ayna ka waantoobaan dilka shacabka aan waxba galabsan. Waxaa jira nolol ka duwan taasi, waxay sameyn karaan Ganacsi, waxayna qayb ka noqon karaan bulsho wax-soo-saar leh,” ayuu Wasiirka Dhaqan-celinta Koonfur-galbeed.

Madaxa UNSOM DDR Officer, Patrick Loots ayaa dhallinyarada Qalin-jabisay wuxuu ugu hambalyeeyay guusha ay barnaamijkan ka gaareen, Wuxuuna shacabka ku Guubaabiyay in ay gacan ka geystaan sidii ay dhallinyaradan bulshada dib ugu dhex-geli lahaayeen.

“Tani waa maalin muhiim ah, waxaan u dabaal-dagaynaa horumarka ay dhallinyaradaan ku Tallaabsadeen, Waxaan idiin kugu Hambalyeynayaa sida Guushu ku dheehan Tahay ee aad Barnaamijkaan u dhammeyseen, Dhallinyaradan maanta Qalin-jabiyay waxay diyaar u yihiin inay dib ugu laabtaan deegaannadoodii, ayna naftooda iyo tan dadkba anfacaan” ayuu yiri Patrick Loots.

Ugu dambeyntii, Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Taakuleynta Soomaaliya (UNSOM), wuxuu mudaba safka hore uga jiray dhaqan-celinta dhallinyarada horay uga midka aheyd Al-shabaab iyo dhismaha xarumo sidan oo kale ah oo laga hir-galiyo magaalooyin kale ee Soomaaliya.

Xigasho SONNA

kk kkk kkkl

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda: Bangiga horumarinta Afrika ayaa mashruucyo shaqa-abuur ah dalka ka billaabi doono

Next Post

Guddoomiyihii Hore Ee Maxkamaadda Sare Oo Aqbalay Go’aankii Madaxweynaha

Next Post

Guddoomiyihii Hore Ee Maxkamaadda Sare Oo Aqbalay Go’aankii Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In