Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha Dowladda oo qalab xafiiseed lagu wareejiyay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha Dowladda oo qalab xafiiseed lagu wareejiyay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta ku wareejiyey qalab ka kooban Kombuyuutaro, Laabtoobyo, Birintiro  iyo Footokoobiyo hay’adaha dowladda,

Qalabkaan ayaa loo isticmaalayaa nidaamka cusub ee Financial Management Information System (FMIS) oo lagula soconaya dakhliga u soo xarooda dowladda, nidaamkaan oo la hirgaliyey sanadkii la soo dhaafay balse hada si toos ah loogu xiray dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in qalbkaan ay wasaaradu ugu tala gashay in la balaariyo hufnaanta maamulka maaliyadda dalka iyo isla xisaabtanka, loona fududeeyo qoondooyinka miisaaniyadeed ee hay’aduhu ka soo dalbanayaan Wasaarada Maaliyadda.

“Waxaa qalabkan ka fa’iidaysanaya 57 hay’adood waxaana loo isticmaalayaa  in hay’ad kasta ay xafiiskeeda ka soo dalbato wiixi la xariira meel marinta miisaaniyadeeda, kulan socoto kharashaadkeeda, wixii xog ahna ay la wadaagi karto Wasaaradda Maaliyadda, wuxuu sidoo kale suurta galinayaa in si fudud loo diyaariyo warbixinada maaliyadda, hadii ay ahaan lahayd mid maalinle ah, Usbuucle, Bile, ama Sadex biloodle. Islamarkaasna wuxuu fududaynayaa raad raaca dhanka isla xisaabtanka iyo hanti dhowrista” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

“Nidaamkaan wuxuu hada marayaa qaab toos  u tabinaya (live) isku xirka dhaq dhaqaaqa  dhaqaalaha soo gala dalka isagoona isku xiray Wasaarada Maaliydda, Bangiga dhexe, Dekeda iyo Garoonka diyaaradaha, waxaana hada loo gudbiyey dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, taas oo macnaheedu tahay in lala socdo daqiiqad kasta dhaqalaha dalka soo galay iyo siduu u baxay”

Waxaay arintaan qayb ka tahay hagaajinta maamulka maaliyadda guud ee dalka oo wasaaradu ay waday ilaa 2013.. kaas oo hada maraya qaab la jaanqaadi kara caalamka, si gooni ahna wasaarada loogu amaanay iney wax badan kaga horayso wadamada ka mid ah kuwa soo koraya.

MOF (2)-2 MOF (13) MOF (19) MOF (20) MOF (21)-2 MOF (22)

Previous Post

Madaxweynaha Jabuuti oo mar kale xilka loo Caleema saaray

Next Post

Wariye u dhashay dalka Pakistan oo la dilay

Next Post
Wariye u dhashay dalka Pakistan oo la dilay

Wariye u dhashay dalka Pakistan oo la dilay

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In