Daawadan oo ay soo dhiibtay wasaaradda caafimaadka dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa wasaaradda caafimaadka Galmudug waxa ay maanta ku wareejisay maamulka isbitaalka koofurta Galkacyo.
Dr. Cali daahir Mirre Cilmi oo ah agaasimaha qeybta daweeynta iyo qalabeynta wasaaradda caafimaadka Galmudug oo sharaxaad ka bixiyay daawadan iyo qeybaha ay ka kooban tahay ayaa yiri “Waxaan rabnaa inaan maanta meeshaan ku wareejino daawo nooga timid dowlada fadaraalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda caafimaadka
dawadan oo ka kooban 18 kartoon oo ah daawada maalaariyada oo aan rabno inaan u qeybino meelo ay ka mid yihiin Gurceel.Dhuusamareeb. Caabudwaaq. Balanbal iyo Cadaado oo aan u gaarsiin doono sida ay ugaarto”.
Agaasimaha isbitaalka koofurta Galkacyo Dr Maxamed Cabdi Axmed ayaa isna ka mahad celiyay daawadaan la soo gaarsiiyay waxaana uu sheegay in ay kusoo aadday xilli aad loogu baahnaa Aad baan ugu mahadcelineeynaa daawada halkaan ku tiirsan oo ay noo keentay wasaarada caafimaadka Galmudug runtii dawada nooceeda oo ah middii maalirayada waxay ku timid xilli loo baahan yahay oo wadanka dhan ay roobab ka da’een ha yaraato runtii laakinn waa daawo wax ku ool ah oo aan rabno inaan uga faa’ideeyno deegaanada Galmudug hadda waxay taallaa isbitaalka Galkacyo waana meesha laga qaybinayo daawadaan” ayuu yiri Agaasimaha isbitaalka koofurta Galkacyo Dr. Maxamed Cabdi Axmed.
Sawir qaade: C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo