Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha gudaha “Bil gudaheed ayaa lagu soo geba gebaynayaa shirka Jowhar” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 9, 2016
in Wararka
0
Wasaaradda arrimaha gudaha “Bil gudaheed ayaa lagu soo geba gebaynayaa shirka Jowhar” “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Wasaaradda Arimaha Gudaha oo uu hogaaminayo Xoghaya Joogtada ah ee Wasaaradda islamaraakana hordhac u ah Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo soo gaaray Magaalada Jowhar ayaa Kulan Xogwaraysi Ah la yeeshay Duuubabka Dhaqanka labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe..

Gudoomiyaha Duubablka dhaqanka Labada Gobol Ugaas MAxamuud Cali Ugaas ayaa Warbixin ka siiyay Wafdiga halka ay wax Marsiinayaan Dhaqanka.

Related posts

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025

¨Wax badan ayaa noo qabsoomay hadii aanu nahay dhaqanka Gudiyo ayaan isku qeybinaya waxaan guda galnay ka doodista Awood qeybsiga hada meel wanaagsan ayuu noo maraya,  dowladda ayaan sugaynay waxaana rabnaa inaan idinla wadaagno waxyaabihi an ku heshiinay Inta badan dooddii la xiriirtay wax´wada qeybsiga hadii ay ahaan laheeyd Ergada iyo xildhibaanada Barlamaanka waan isla garanay waan ku faraxsanahay inaad noo imaateen’ ayuu yiri gudoomiyaha dhaqanka labada gobol Ugaas MAxamuud Cali Ugaas.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo federaalka Prof. Yaxye ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin Meesha ay wax marayaan waxaana uu tilmaamy in Wasaaraddu ay doonayso in bil Gudaheed  sharka Lagu so Gabagabeeyo.

‘Waxaan hor dhac u Nahay Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka waxaan u nimid  Jowhar oo marti galinaysa Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Dhameeystirka dhismaha Maamulka labada gobol, waan ku faraxsanahay howsha Meesha ay soo  Gaarsiiyeen sagaashan Boqolkiiba (90%) iyo ka badan Dhaqanku way isla garteen Qeybsiga Ergooyinka iyo xildhibaanada si loogu Gudbo wajiga sadaxaad, waxaan rajaynaynaa 30 maalmood Gudahood inay ku soo gabagabayno shirka, Salaadiinta maqan dowladda kama Quusan ilaa hada dadaalo meel wacan maraya ayay wadaa waana Rajaynayna inay shirka ku soo biiraan” ayuu yiri xoghayaha joogatada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha.

Prof. Yaxye ayaa intaa Ku daray dhaqanka in ay ka rajaynayaan dadajiyaan Go’aan ka Gaarista Shirka Wajiga Labaad ee shirka Si loogu Gudbo Wajiga Sedexaad.

“Duubabka Dhaqanka waxaan idin leeyahay dadajiya Wajiga Labaad ee sjirka Go’aan gaara isu tanaasula hadii la isla garto  Qeybsiga ergooyinka iyo xildhibaanada 20 maalmood ka yar ayaa lagu soo dhisi karaa maamulka”  ayuu Yiri  Pro Yaxye Cali Ibraahim.

Dhanka kale aqoon isweydaarsi la xiriira xallinta Khilaafaadka ayay Wasaaraddu u qabatay Duubabka Dhaqanka labada gobol kaasoo lagu Faaqiday Sida ugu Haboon ee lagu dhisi karo Maamulka loogana fogaan karo Khilaaf dheeraada.

Shirka Mamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa la filaya in maalmaha soo socda uu u gudbo wajiga ugu dambeeya ee shirka kaaso  lagu soo xulaya Ergada xildhibaanada Barlamaanka labada gobol ee dooranaya hogaanka Dowlad Goboleed ay yeeshaan labadaasi gobol..

vlcsnap-2016-05-09-15h33m37s65 vlcsnap-2016-05-09-15h33m49s191 vlcsnap-2016-05-09-15h34m13s175 vlcsnap-2016-05-09-15h34m23s33 vlcsnap-2016-05-09-15h35m11s0 vlcsnap-2016-05-09-15h35m36s233

Previous Post

Madaxweynaha: “Soomaaliya horey ayay u dhaqaaqdey, dibna uma laabanmeyso’’

Next Post

Wasaaradda caafimaadka oo dawo gaarsiisay Isbitaalka Koofurta Gaalkacyo “Sawirro”

Next Post
Wasaaradda caafimaadka oo dawo gaarsiisay Isbitaalka Koofurta Gaalkacyo “Sawirro”

Wasaaradda caafimaadka oo dawo gaarsiisay Isbitaalka Koofurta Gaalkacyo "Sawirro"

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka,...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In