Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Talyaaniga oo deeq caafimaad iyo agab kale gaarsiiyay xarumo muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Talyaaniga oo deeq caafimaad iyo agab kale gaarsiiyay xarumo muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

talyaaniga

Munaabadaan ayaa Ciidamada Talyaaniga oo qaybka ah kuwa Midowga Yurub ee tababbarada siiya ciidanka xooggga dalka waxaa ay deeq isugu jirta qalab caafimaad, Buskut, cabitaan iyo kabo kala gaarsiiyey Xarunyta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere iyo Xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheere, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey Xiriiryaha barnaamijka deeqaha ciidamada Talyaaniga Kabtan Mooge.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026
Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026

Maxada Xarunyta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere Ruqiyo Maxamuud Afrax ayaa ka mahad celiyey deedda la soo gaarsiiyay, iyadoo tlmaamtay inay ku soo beegantahay xilli ay u baahnaayeen.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa tilmaantay in ay tahay kaalmadaan mid wax ku ool u ah bulshada Boondhere  wax u tari doonto.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan cilmi oo ka hadashay goobta ayaa xustay in uu soo noqonayo xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya, taasi oo tusaale u ah wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.

Cornel Benaardo  oo ah Madaxa Ciidamada Talyaaniga ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysey oo ay deeq soo gaarsiiyaan degmada Boondheere, waxaana uu intaa raaciyay inay sii joogteynayaan wax u qabshada hooyada iyo dhallaanka.

Agaamiyaha Caafimaadka Gobolka banaadir Dr Cabdullahi Xasan Nuune oo ka tilmaamay in gudoonka deeqda ay faa’iido badan u leedahay shacabka, waxaana uu ka codsaday inay sii labo jibaaraan taageerada ay siinayaan hooyada iyo dhallaanka.

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasin Cabdulle Xasan oo hadal ka jeediyey Xarunyta Cafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere ayaa xusay in xarunta ay dhistay dowladda Talyaaniga, markastana ay la garab taaganyihiin wax u qabashada bulshada, waxaana uu ka mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen.

Ugu danbeytii waxaa xarunta Agoonta Gabdhaha ee Degmada Boondheere la gaarsiiyey Buskut, kabo iyo Cabitaano kale, iyadoo maamulaha Xaruntaasi Nuurta Maxamed Cadow ay ka mhad celisey Deeqda la soo gaarsiiyay oo ay sheegtay inaysan ahayn markii ugu horeysay oo dowladda Talyaaniga ay caawimaad u fidiyaan.

 

 

 

Previous Post

Doorka haweenka ee shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray...

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In