Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil Ciidan oo uu madaxweynuhu dalacsiiyay”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Saraakiil Ciidan oo uu madaxweynuhu dalacsiiyay”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

BH0A2144

Munaasabad darajooyin ciidan loogu xirayay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa lagu qabtey dugsiga tababbarka ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay saraakiisha sare ee ciidamada qalabka sida.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Madaxa Hogaanka ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto  Cabdullaahi  Ahmed Ceynte ayaa goobta ka Akhriyay Digreetadii dhawaan uu ku dalacsiiyay guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo kan darajada koowaad ciidamada.

“Xeer number 34 soo baxay taariikhda  4tii bisha 5aad  u jeedadeedu tahay dalacsiin  abaal marin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya  markuu arkey  qodobka 87  farqadda koowaad,  xarafkiisu (A)  iyo farqada labaad ee Dastuurka  kumeel gaarka ah  Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya markuu arkey  qodobka 90 xarafka (B)  ee Dastuurka  ku meel gaarka ah  Jamhuuriyadda federeelka Soomaaliya  laga bilaabo markuu Madaxweynaha saxiixo  xeerkan  waxaa saraakiisha hoos magacooda ku qoran loo dalacsiiyay  sida tan Gaashaale sare Liibaan Ali Yarow waxaa loo dalacsiiyay  Darajada Sareeyo Guuto, Gaashaale Dhaxe Xasan Cali Nuur Shuute waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Sare’’’ayuu yiri Jeneraal Ceynte.

Sidoo kale waxaa Warbaahinta la hadley markii loo Xirey darajooyinka Ciidanka S/Guuto Libaan Cali Yarrow iyo Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howsha adag ay u hayaan dalka waxa ay na balan qaadeen in dalkooda ay ugu shaqeyn doonaan si daacad nimo ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud  ayaa ka codsatey Saraakiilsha sare ee  Maxakamada ciidamada qalabka  sida  uu dhawaan dalacsiiyay Madaxweynaha Jamuuriyadda Fadareelka Soomaaliya ee maanta loo xirey darajooyinka ay mutesteen, waxa uuna ka codsadey in dadaalkooda ay  halkooda kasii wadaan.

“Waxaa sharaf gaar ah inoo ah anigoo ku hadlaya magaca ciidanka Booliska Soomaaliyeed in aan maanta darajooyinka ciidan aan ugu xirno dugsiga Jeneraal Kaahiye Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidanka iyo Guddoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ciidamada qalabka sida uu dhawaan Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya uu dalacsiiyay, waxaana ka codsanayaa in ay halkooda ka sii wadaan howsha adag ay u hayaan bulshada iyo Qaranka”

Dhawaan ayay ehayd markii digreeto ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya Ahna Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagu dalacsiiyay saraakiisha sare ee Maxkamada ciidamada qalabka sida.

BH0A2039 BH0A2041 BH0A2046 BH0A2051 BH0A2069 BH0A2082 BH0A2090 BH0A2092 BH0A2097 BH0A2101 BH0A2112 BH0A2119 BH0A2128 BH0A2131 BH0A2139 BH0A2144 BH0A2146 BH0A2148 BH0A2151 BH0A2157

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Degmada Aadan Yabaal oo xaalado bini’aadanimo laga soo sheegayo“Dhageyso”

Next Post
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde

Degmada Aadan Yabaal oo xaalado bini'aadanimo laga soo sheegayo“Dhageyso”

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In