Munaasabad darajooyin ciidan loogu xirayay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa lagu qabtey dugsiga tababbarka ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay saraakiisha sare ee ciidamada qalabka sida.
Madaxa Hogaanka ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Guutoย Cabdullaahiย Ahmed Ceynte ayaa goobta ka Akhriyay Digreetadii dhawaan uu ku dalacsiiyay guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo kan darajada koowaad ciidamada.
โXeer number 34 soo baxay taariikhdaย 4tii bisha 5aadย u jeedadeedu tahay dalacsiinย abaal marin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliyaย markuu arkeyย qodobka 87ย farqadda koowaad,ย xarafkiisu (A)ย iyo farqada labaad ee Dastuurkaย kumeel gaarka ahย Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya markuu arkeyย qodobka 90 xarafka (B) ย ee Dastuurkaย ku meel gaarka ahย Jamhuuriyadda federeelka Soomaaliyaย laga bilaabo markuu Madaxweynaha saxiixo ย xeerkanย waxaa saraakiisha hoos magacooda ku qoran loo dalacsiiyayย sida tan Gaashaale sare Liibaan Ali Yarow waxaa loo dalacsiiyayย Darajada Sareeyo Guuto, Gaashaale Dhaxe Xasan Cali Nuur Shuute waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Sareโโโayuu yiri Jeneraal Ceynte.
Sidoo kale waxaa Warbaahinta la hadley markii loo Xirey darajooyinka Ciidanka S/Guuto Libaan Cali Yarrow iyo Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howsha adag ay u hayaan dalka waxa ay na balan qaadeen in dalkooda ay ugu shaqeyn doonaan si daacad nimo ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuudย ayaa ka codsatey Saraakiilsha sare ee ย Maxakamada ciidamada qalabka ย sida ย uu dhawaan dalacsiiyay Madaxweynaha Jamuuriyadda Fadareelka Soomaaliya ee maanta loo xirey darajooyinka ay mutesteen, waxa uuna ka codsadey in dadaalkooda ayย halkooda kasii wadaan.
โWaxaa sharaf gaar ah inoo ah anigoo ku hadlaya magaca ciidanka Booliska Soomaaliyeed in aan maanta darajooyinka ciidan aan ugu xirno dugsiga Jeneraal Kaahiye Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidanka iyo Guddoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ciidamada qalabka sida uu dhawaan Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya uu dalacsiiyay, waxaana ka codsanayaa in ay halkooda ka sii wadaan howsha adag ay u hayaan bulshada iyo Qarankaโ
Dhawaan ayay ehayd markii digreeto ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya Ahna Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagu dalacsiiyay saraakiisha sare ee Maxkamada ciidamada qalabka sida.































