Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deeq lacageed oo lagaarsiiyay gabar xanuun naxdin leh ku dhacay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Deeq lacageed oo lagaarsiiyay gabar xanuun naxdin leh ku dhacay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

2Dhamaan ardayda wax ka barata Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Jazeera ayaa iska soo uruuriyay lacag gaareysa $2000.000, kadibna ku wareejiyay gudoomiyaha guddiga gurmadka gabadha Sheekh C/ Xayyi Sheekh Aadem Xassan, waxaana lasheegay in Xaawa Maxamuud Cali uu ku dhacay xanuunka qatarta badan ee Kansar.

Ardaydaan ayaa ka damqatay inantan yar kadib markii warbixinteeda ay ka heleen Axmed Abshir Geedi oo u ololeeyay arrimaha bulshada kana mid ah guddiga gurmadka u sameynaya gabadhan yar ee reerkeedu awoodda badan u laheyn iney gargaar caafimaad oo dibadda ah geeyaan xilli guud ahaan dhakhaatiirta ku shaqada leh xanuunada indhaha & aragga ay sheegeen inaaney waxba uga qaban karin gudaha dalka Xaawa Maxamuud Cali una baahantahay gargaar caafimaad oo deg deg badan oo dalka dibaddiisa ah.

Related posts

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026

Saadaam C/llaahi Cusmaan oo wakiil ka ahaa guud ahaan ardayda Jaamacadda Jazeera ayaa sheegay iney ardaydu ka jareen jeebkooda wixii tabar ah ay kari kareen maadaaba iyaguba ay yihiin dad lakaalmeeyo oo arday ah balse ladamqaday dhibta culeyska badan ee haysata Xaawa & reerkooda intaba, isagoona intaa ku sii daray iney joogteyn doonaan garab istaagga dadka liita, wuxuuna baaq u diray ardayda kale ee wax ka barta gudaha Muqdisho, gobolada dalka & dibadda intaba si loo kaalmeeyo inantaan u baahan garab istaagga.

Sheekh C/xayyi Sheekh Aadem Xassan oo ah gudoomiyaha guddiga gurmadka gabadha ayaa kaga mahadceliyay ardayda Jaamacadda Jazeera & hooyooyinka soomaaliyeed ee ku nool dalka maraykanka deeqda lacageed ee gaaraysa $2580.00, waxaana wakiil ka ahayd deeqda hooyooyinka mareykanka oo gaaraysay $580 Maama Safiya Diiriye Maxamed oo lagu yaqaano naxariista isagoona Allaah uga baryay inuu ka abaalmariyo guud ahaan dadkii soomaaliyeed ee garab istaagay inantaan dhibanaha ah oo ay ku jiraan jamaacada masaajidyada muqdisho oo aad ugu gurmaday ilmahan yar ee dhibaatadu ku heysato magaalada muqdisho.

Dr Xuseen Abshir ayaa hadda latacaalaya inanta iyadoona lajiifiyay isbitaalka Jaamacadda Soomaalia (UNISO) howlwadaag magaalada muqdisho, waxaana Dr Xuseen Abshir & Jaamacadda Soomaaliya intaba looga mahadcelinayaa garab istaagga & naxariista qiimaha badan ee ay u sameynayaan inantaan iyagoona sheegay iney joogteyn doonaan kaalmada & garabsiinta gabadhan yar ee xanuunka qatarta badan haysto.

Ugu dambeyn waxaa socdaa dadaalkii ugu dambeeyay ee Xaawa Yariisey loogu qaadi lahaa dalka india, iyadoona xusid mudantahay in maamulada Emigration ka & Isbitaalka Kalkaal ay bilaash ugu sameeyeen Passports ka & Visa-ha dalku galka india, waxaana lagu wadaa in dhawaan ladiro Xaawa Inshaa Allaah.

Faahfaahinta Axmed Abshir Geedi, guddiga gabdha 00252615535508.

1 2 3

 

 

Previous Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Danjire Axmed Cabdi Xaashi Xasharo

Next Post

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyay shirka dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyay shirka dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyay shirka dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya "SAWIRRO"

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey howlgal...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In