Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wasiirada Wasaaradaha biyaha dowladaha ururka  OIC oo lagu qabtay Istanbul-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Shirka wasiirada Wasaaradaha biyaha dowladaha ururka  OIC oo lagu qabtay Istanbul-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka ayaa looga wada hadlayay dhibaatada biya la’aanta ka jirta wadamada qaar  iyo caafimaad darada ay leedahay biyaha wasakheysan.

Wasiirka Biyaha dowlada Turkiya DR professor Veysal Eroglu  ayaa shir guddoonminaya  waxana furitaanka shirka khudbad  ka jeediyay madaxweynaha dalkan Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, waxuuna ka hadlay sida dowlada Turkiga ay u heelan tahay wax ka qabashada biya la’aanta wadamada islaamka qaar kamida oo ay heysato xalad biya xumo .

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Isagoo xusay in  mashaariic dhowr ah oo ay ka fuliyeen qaarada Afrika gaar ahaan Suudaan iyo Jabuuti oo iyadu heer gabagaba ah mareysa, waxaana loogu deeqay qalab mashruuc biya xireen ah kaaso ay ka faa’iideysan doonaan dad badan oo reer Jabuuti ah.

Soomaaliya ayaa shirkaas waxaa ugu qeybgalayay wefdi uu hogaaminayo wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, isagoo shrika ka hadlayna waxaa uu ka warbixyay xaalada biyaha ee dalka Soomaaliya waxaana Turkiga ugu mahadceliyay martigelinta shirkan muhiimka ah.

Wasiirka biyaha ee dalka Turkiga isla markaana ahaa shir guddoonka ayaa khudbadiisa ku soo qaaday xaalada biyaha ee Soomaaliya waxaana uu sheegay in arintaas wax badan laga qaban isla markaana bank Islaamka ay la gaashan doonaan sidii mashruuc biyo xireeno ay loogu hirgelin lahaa Soomaaliya.

Hadalkaan wasiirka ayaa ku soo aadaya kadib markii ay shalay ay kulmeen labada wasiir ee wasaaradaha tamarka dalka Turkiga iyo Soomaaliya Veysal Eruglo iyo Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayagoo ka wada hadlay iskaashiga labada wasaaradood sidii loo xoojin lahaa.

Ugu  dambeyntii wasaarada ayaa la filayaa in dhowaan wasaarada ay dardargalin doonto qorshayaal horumarineed , sidoo kale dowlada Turkiya ayaa balan qaaday in ay siin doonto wasaarada dib u dhis baaxad leh, kadibna tabar iyo qalab ugu deeqi doonto Soomaaliya kaas oo wax weyn ka badali doonaa xaalada biya la’aaneed ee ka jirta dalkeena Soomaaliya.

IMG_0609 IMG_0625 IMG_9764 IMG_9773 IMG_9776 IMG_9798 IMG_9804 IMG_9814 IMG_9831

W/D:  Kamal Hassan Hussein- İstanbul Turkiga

Previous Post

Baarlamaanka oo maanta ka doodi doona sharciga doorashada dadban

Next Post

Guddiga adeega garsoorka ee koofur galbeed oo la soo bandhigay

Next Post
Maamulka Koonfur galbeed oo guddi u saaray Aaska Allaha u naxriistee  Xildhibaan Xaabsade

Guddiga adeega garsoorka ee koofur galbeed oo la soo bandhigay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In