Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga adeega garsoorka ee koofur galbeed oo la soo bandhigay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Koonfur galbeed oo guddi u saaray Aaska Allaha u naxriistee  Xildhibaan Xaabsade
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan lagu soo bandhigay golaha adeega garsoorka ee dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya oo lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa maamulka koofur galbeed mudane Madoobe Nuunow Maxamed, guddoomiyaha maxkamadda sare ee koofur galbeed, iyo maamulka gobolka Shabeelaha hoose iyo qaar kamid ah bulshada reer Afgooye.

Xubnaha golaha adeega garsoorka dowlad goboleedka koofur galbeed ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 9 xubnoo oo leh guddoomiyaha maxkamadda sare, xoghaye guud, xeer ilaaliye iyo garsooriyaal maxkamadeed.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

July 12, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026

Kulanka ayaa mas’uuliyiintii ka hadashay ayaa waxaa kamid ahaa guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka qaarkood waxayna sheegeen in ay si weyn u soo dhoweyneyaan in garsoor laga hirgeliyo degmooyinka isla markaana talaabo ay tahay talaabo dhanka horumarka loo qaaday.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose, mudane Ibraahim Aadan Cali, ayaa kulanka ka sheegay in ka maamul ahaan ay ku faraxsan yihiin maxkamadda sare ay soo bandhigto qorshaheeda isla markaana ay la shaqeyn doonaan garsoorka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya Sheekh Axmed C/laahi Xuseen ( Fanax) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii dadka ku dhaqan deegaanadan ay u heli lahaayeen cadaalad iyo sinnaan, isagoo dhammaan dadka iyo maamulka degmooyinka in ay la shaqeeyaan garsoorka.

Wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka ay ka shqqeeyaan sidii cadaaladda loo heli lahaa cadaalad la’aana aan wax horumar ah la gaar Karin.

Kulanka ayaa waxaa goob joogka ahaa dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose, waxaana haddii qorshahan uu si dhab ah u hirgelo uu noqonayaa mid loo aayo.

Previous Post

Shirka wasiirada Wasaaradaha biyaha dowladaha ururka  OIC oo lagu qabtay Istanbul-Sawirro

Next Post

Duubabka dhaqanka ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Beledweyn-Sawiro

Next Post
Duubabka dhaqanka ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Beledweyn-Sawiro

Duubabka dhaqanka ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Beledweyn-Sawiro

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

July 12, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa maanta deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS, H.E. Amb. Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad ee dalka...

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelladii, qaraabadii,Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In