Saturday, May 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 21, 2016
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 21 May 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Ciidanka XDS oo la wareegey Degmada Aadan Yabaal, Wadooyinka Danwadaagta iyo Sayidka oo dib loo dayactiray, Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Koofurta Korea iyo Switzerland, Golaha Ammaanka ee QM oo Muqdisho soo gaaray, Ciidamada Danab oo Howlgalo ciidan ka fuliyey gobolka Sh/Hoose, Shirkii SDRF oo Muqdisho lagu qabtay 18kii May 2016, Ciidanka XDS oo Howlgallo ciidan ka fuliyey Gobolka Bakool, Somalia iyo Kuwait oo xiriirka xoojinaya, Ciidanka NISA oo ka hortagay weerar Qaraxyo, iyo Tababar 3 cisho ah oo shaqaalaha Wasaarada Dastuurka loogu qabtay Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025

Ciidanka XDS oo la wareegey Degmada Aadan Yabaal

Ciidamada Xooga Dalka ayaa 14kii May 2016 la wareegay gacan ku heynta Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo hore ay ugu dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa sheegay in Ciidamada ay la wareegeen guud ahaan Degmada islamarkaana hadda ay fariisimo ka sameysteen. Ciidamada ayaa bilaabay howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka oo ka socda gudaha Degmada Aadan Yabaal, howlgalkaasi oo u jeedkiisa uu yahay in laga hortago qorshe walbo oo cadowgu ku dhibaateyn karo Dadka shacabka ah.

Wadooyinka Danwadaagta iyo Sayidka oo dib loo dayactiray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 15kii May 2016 Muqdisho ka furay waddooyinka Danwadaagta iyo Sayidka, kuwaas oo dhowaan ay dib u dhiseen maamulka Gobolka Banaadir oo ka duulaya barnaamijka dalkaaga dhiso. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha waddooyinkan ay tilmaan u tahay sida shacabka uga go’an tahay inay waddankooda wax u qabtaan, intii karaankoodana ay ku hirgeliyaan mashaariic horumarineed. Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in waddooyinkan burburkii ka muuqday iyo maanta sida laga dhigay ay muujinayso in shacabku tashadey, ayna doonayaan inay qurxiyaan xaafadahooda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay maamulka gobolka Banaadir sida uu uga soo dhalaaley kaalintiisa ku aaddan dib u dhiska waddanka iyo weliba doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga caasimadda.

Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Koofurta Korea iyo Switzerland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 18kii May 2016 xarunta madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjireyaasha dalalka Jamhuuriyadda Korea (Koonfuur Korea) iyo Switzerland. Waxaa uu ugu horeyn Madaxweynaha uu warqadaha ka gudddoomaya Danjirha Jamhuuriyadda Korea, Mr Young Dae Kwon. Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, dhinacyada iskaashiga sida dhaqaalaha, horumarinta miyiga, mihnadaha iyo tababarada dhalinyarada iyo ciidammada. Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Switzerland uga wakiilka ah Soomaaliya, Ralf Heckner. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirka ayaa ka wadahadley xaaladda Soomaaliya, sida dhinacyada amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona bisha August ee 2016-ka. Isla munaasabaddaasi waxaa si rasmi ah loogu sagootiyey Danjirihii hore ee Switzerland, Mr Dominik Langenbacher oo muddadii uu Soomaaliya ka shaqeynayey ay dhammaatey.

Golaha Ammaanka ee QM oo Muqdisho soo gaaray

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 19kii May 2016 soo gaaray Muqdisho oo ay kulan kula yeesheen Madaxda Qaranka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyo bulshada Rayidka ah. Ujeedada safarkooda ayaa la xiriirtay u kuurgelista horumarka dalka uu ku tallaabsaday iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshaha doorashooyinka dadban ee sanadkan lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xaqiijiyey in doorashooyinka Soomaaliya ay dhici doonaan xilliga loogu talagaley oo ah bisha August ee sannadkan 2016-ka. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ogsoon yahay in waqtiga inoo haray uu yar yahay, balse heshiiskii madasha ee bishii hore la gaarey uu dhigayey in Baarlamaanka uu meel mariyo, sidaa darteedna uu filayo in mudaneyaasha Baarlamaanka ay arrintaasi fududeyn doonaan. Dhanka kale waxaa uu Madaxweynaha ku booriyay shacabka inay muujiyaan kalsooni iyo dulqaad. Waxaa u Madaxweyne Xasan Sheekh intaa ku darey in loo baahan yahay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay gacan ka geystaan sidii loo diyaarin lahaa barnaamij lagu soo afjarayo hawlgalka Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, tallaabadaasina ay ku xirnaan doonto in si hufan loo dhammeystiro dhismaha iyo isku dhafka ciidanka Soomaaliya. Waxaa Golaha uu sidoo kale soo dhoweeyay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, dimoqraadiyeynta iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Ciidamada Danab oo Howlgalo ciidan ka fuliyey gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howgalo ciidan ka fuliyey deegaano hoos yimaada gobalka Shabeellaha Hoose. Ciidamada Danab ayaa usbuucii hore weeraray Saldhigyo ay Maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Degmooyin iyo deegaanno ay ka midyihiin, Awdeegle, Toorotooroow, Mareereey, Bariirre, Sabiib iyo Caanaale oo dhammaantoodba hoostaga Gobalka Shabeellaha Hoose. Howlgalladaasi ayaa intii ay socdeen lagu dilay 14 kamid ah maleeshiyaadka Al-shabaab iyadoo lagu soo furtay maxaabiis ay si sharci darro ah u xirxirteen, Sahnad Ciidan, islamarkaana la burburiyay saldhigyo iyo difaacyo ay lahayd Kooxdu.

Shirkii SDRF oo Muqdisho lagu qabtay 18kii May 2016

Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa shir gudoominayay shirkii Horumarinta iyo Dib-u-dhiska kaabayaasha Dhaqaale ee dalka (SDRF), iyadoo beesha caalamka iyo wasaaradaha Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo bulshada rayidka ay goob joog ka ahaayeen shirka. Shirka oo ah mid bile ah, oo bishiiba mar la qabto ayaa diiradda lagu saaray waxyaabaha u qabsomay dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee dhinacyada amniga, horumarka iyo adeegyada guud ee bulshada, iyadoo mas’uuliyiintii ka socday dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir ay madasha ku soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo kulanka soo xiray ayaa ka warbixiyay siyaasadda amniga Qaranka, halka ay mareyso iyo socdaal uu dhawaan ku tegay dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaasi oo uu kala hadlay qabyo qoraalka Siyaasadda Amniga Qaranka, isagoo intaa ku daray in kulamadaasi wada tashiyada ah ay ku soo idlaadeen guulo la taaban karo. Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xusay in horumar laga gaaray dhanka dib u eegista dastuurka oo uu marayo heer gabo gabo ah. Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta Abdi Ceynte ayaa ka warbixiyey Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya.

Ciidanka XDS oo Howlgallo ciidan ka fuliyey Gobolka Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay howllo lagu baacsanaayo nabad diidka Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool. Taliyaha Qeybta Sideedaad ee Ciidamada Qalabka-sida ee Soomaaliya, Cali Maxamed Siciid ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay fuliyeen howlgallo la iskugu furaayo wadooyinka gobolka Bakool oo baryahaan danbe ay jidgooyooyin dhigteen maleyshiyaad ku labisan dareeska ciidamada dowladda, waxa uuna sidoo kale xusay in ciidamada ay si gaar ah u ugaarsanayeen maleyshiyaad ka tirsan haraaadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka Bakool. Howlkaan ayaa waxa uu ka mid yahay howlgallo is xig-xiga oo lagu ugaarsanayo kooxaha lidka ku ah midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka.

Somalia iyo Kuwait oo xiriirka xoojinaya

Wafdi balaaran oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Sareeyo Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo ay wehliyan Taliyaha Ciidanka Xooga iyo Saraakiil sar sare ayaa booqasho ku gaaray Dalka Kuwait. Wafdiga Wasiirka ayaa qasriga Madaxtooyada Kuwait kulan la qaatay Amiirka Kuwait Sheekh Sabaax Al-Axmed Al Sabaax. Kulanka Amiirka kadib Wasiirka Difaaca ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Kuwait. Wafdiga Wasiirka oo ka kooban Saraakiil Sar Sare oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Maxamed Adan Axmed, Taliyaha Ciidanka Cirka S/Guuto Maxamed Sh Cali Maxamud, Taliyaha Ciidanka Badda Madey Nurey Sheekh iyo Saraakiil kale oo sarsare ayaa kulamo shaqo la qaatay dhigooda Difaaca Kuwait iyada oo booqashadani tahay mid aad u sareysa oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal. Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait oo mar walba ahaa mid aad u sareeya oo ku dhisan walaalnimo iyo iskaashi ayaa hadda u muuqda in uu sii xoogeysanayo.

Ciidanka NISA oo ka hortagay weerar Qaraxyo

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA ayaa 14kii May 2016 ka hortagay weerar Qarxyo ah oo la doonayay in loo adeegsado Kombiyuutarro gaarayay 7 Laptop iyo gaari laga buuxiyay walxaha qarxa, iyadoo Ciidamadu sidoo kale Xabsiga dhigeen ninkii diyaarinayay qaraxyada. Saraakiil ka tirsan Heyadda NISA ayaa sheegay in howlgankan oo ka dhacay Xaafada Nasrudiin ee degmada Howl Wadaag ay ciidamada ku qabteen nin gudaha gurigiisa ku diyaarinayay walxaha qarxa si bulshada soomaaliyeed loogu waxyeeleeyo. Hayadda ayaa Sheegtay in xogta ninkaan ay heleen sirdoonka Soomaaliya in mudda ahna la daba joogay ugu dambeyntiina si qorsheysan ay ciidamadu gacanta ugu dhigeen iyadoo aan wax qasaare ah dhicin.

Tababar 3 cisho ah oo shaqaalaha Wasaarada Dastuurka loogu qabtay Muqdisho

Tabanbar soconayay saddex maalin ayaa oo bilowday 14kii May 2016 ayaa 17kii loo soo gabogabeeyey qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Dastuurka iyo Gudiyada qaabilsan arrimaha Dastuurka, waxaana intii uu soconayay la siinayay casharo ku saabsan qaababka loo sameeyo dastuur iyo siyaabaha loo maro. Justin Duoa agaasimaha hay’adda EASA oo maalgalineysay tababbarkaan ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka taageeraan wacyi gelinta bulshada iyo arrimaha dastuurka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubayr ayaa kula dar daarmay shaqaalihii tababbarkaan ka qayb qaatay in ay ugu shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen ayaa sheegay in dhammaan gobolada dalka lagu qaban doono kulamo wada tashi ah oo ku saabsan Dastuurka, si bulshada Soomaaliyeed ay talo ugu yeeshaan.

DHAMAAD

Previous Post

Warmurtiyeed ka soo baxay Shirkii midaynta dawladaha hoose ee Cadaado

Next Post

Shir caalami ah oo Isniinta ka furmi doona Istanbul

Next Post
Shir caalami ah oo Isniinta ka furmi doona  Istanbul

Shir caalami ah oo Isniinta ka furmi doona Istanbul

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin...

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In