Tuesday, June 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Safiirka Soomaaliya oo soo dhaweeyay koox Soomaaliyeed oo kubadda Kollayga uga qeyb galaysa Kenya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 25, 2016
in Ciyaaraha, Wararka
0
Safiirka Soomaaliya oo soo dhaweeyay koox Soomaaliyeed oo kubadda Kollayga uga qeyb galaysa Kenya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, danjire ku xigeenka ahna qunsulka guud iyo saraakiisha safaaradda ayaa maanta soo dhaweeyay koox Soomaali ah oo ka qeyb galaysa tartan kubadda Kolleyga ah oo ka dhacaya dalka Kenya.

Kooxdan ayaa ka timid Woqooyiga Ameerika, waxayna la ciyaari doonaan laba koox oo ka dhisan dalka Kenya, ayagoo sidoo kale Jimcaha la ciyaari doona kooxda Xulka kubadda Kolayga ee dalka Kenya. Cabdirashiid Xasan Xirsin Bakin,  oo  hoggaaminaya kooxdan ayaa tilmaamay in dhallinyaradan laga soo xulay dalalka Canda iyo Mareykanka isla markaana aysan ahayn xulka Qaranka Soomaaliya.

Related posts

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025

Macallinka Kooxdan, ayaa tilmaamay in dhallinyaradani ay tababar badan soo qaateen, qaarkood ay u soo ciyaareen xulka qaranka ee kubadda Koleyga, isla markaana uu rajaynayo in ay guulo ka soo hooyaan kulamada ay ku yeelan dalkan Kenya.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya, Jamaal Maxamed  Xasan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ay dhiirri galiyaan dhallinyardan, Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay in dhallinyaro Soomaaliyeed oo xirfad lihi ay soo baxaan kuwaas oo ka qeyb qaadan kara dib u soo celin karaan kaalintii ciyaaradaha ee dalka Soomaaliya.

Labada koox ee ugu korreeya horta kubadda Koleyga ee dalka Kenya ayay la ciyaari doonaan dhallinyaradani, ka hor inta aysan Jimcaha la ciyaarin xulka kubadda Kolayga ee dalka Kenya. Kaddib, dhallinyaradani waxa ay ku wajahan yihiin magaallada Muqdisho, halkaas oo ay kulamo kula yeelan doonaan kooxaha horyaalka kubadda Kolayga ee Soomaaliya.

IMG_8600 IMG_8606 IMG_8609 IMG_8610 IMG_8629 IMG_8632 IMG_8643

 

Previous Post

Guddiga gurmadka abaaraha oo ku baaqay in la gar gaaro dadka ay fahataaddu saameysay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha: “Qaaradda Afrika kaalin weyn ayay ka geysatey taageerada Soomaaliya”

Next Post

Madaxweynaha: “Qaaradda Afrika kaalin weyn ayay ka geysatey taageerada Soomaaliya”

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

June 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay horutabin Qaran.   Madaxweynaha JFS...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In