Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Qaaradda Afrika kaalin weyn ayay ka geysatey taageerada Soomaaliya”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Africa ay kaalintii looga baahnaa ka qaadatey taageerada Soomaaliya, waayihii adkaa ee waddanka uu soo marey.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Muqdisho oo màanta lagu qabtey munaasabad lagu maamuusayey maalinta qaaradda Africa, kuna beegan àasaaskii Ururka Midnimada Africa oo markii dambe loo bixiyey African Union (AU).

Related posts

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Africa ay dunida u muujisey inay mashaakilaadkèeda xalisan karto, isla markaana Soomaaliya oo haatan dib u soo kabaneysa ay diyaar u tahay kaalinteeda inay ka qaadato horumarka iyo xasiloonida qaaradda.

“Soomaaliya waxay ka mid ahayd aasaaseyaashii Ururkii Midnimada Africa OAU. Madaxweynaheenii hore, marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan waxaa uu ka mid ahaa aabeyaashii Africa ee dhidibada u taagey ururkan. Soomaaliya waxay gacan weyn ka geysatey xoreynta dalal badan oo Africa ku yaalla, kuwaas oo weli gacanta gumeysiga ku jirey”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorkaasi ay Soomaaliya cayaartey awgeed ay waddamada Africa si weyn ugu soo gurmadeen, maantana dalku isku diyaarinayo qabsoomida doorashooyin markii ugu horeysa dhaca 47 sanno kadib.

Waxaa uu dhanka kale ka hadley dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaarey.

“Al Shabaab waxay weli ku hawlan tahay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed iyo waddamada deriska. Waxaa qof walba uu xusuustaa waxashnimadii Al Shabaab ka geysteen qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah, weerarkii Westgate, weerarkii Gaarisa, weerarkii Kampala iyo kuwo kale. Waxaan idinku bishaareynayaa in saacad walba iyo maalin kasta argagixisada Al Shabaab uu gabbalkooda sii dhacayo, guuldarooyin badanna loo geystey.Waan hubàa in goor dhow Al Shabaab laga ciribtiri doono Soomaaliya, Afrika iyo caalamka intiisa kale”.

Waxaa uu Madaxweynaha mahadcelin u jeediyay dalalka deriska ee muddada dheer uu dhabar adeygey culeyska ay kala kulmeen kumanaanka qaxooti Soomaali ah oo waddamadooda ku nool. Waxaa uu si gaar ah u ammaanay dowladda Kenya oo waddankeeda ku soo dhoweysay kumanaan qaxooti ah, ganacsato iyo ardey.

“Waxaan dhowaan booqan doonaa Kenya, halkaas oo aan madaxda Kenya kala hadli doono qaabka ugu habboon ee qaxootiga Soomaaliyeed dib ugu soo laaban karaan dalkooda, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga iyo heshiiskii saddex geesoodka ee Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR”.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha xusay doorka muuqda ee dalalka kale ee beesha caalamka ka cayaarayaan taageerada Soomaaliya.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya oo soo dhaweeyay koox Soomaaliyeed oo kubadda Kollayga uga qeyb galaysa Kenya “SAWIRRO”

Next Post

Koox Soomaali ah oo ka badisay koox Kubadda Koleyga ka ciyaarta Kenya

Next Post
Koox Soomaali ah oo ka badisay koox Kubadda Koleyga ka ciyaarta Kenya

Koox Soomaali ah oo ka badisay koox Kubadda Koleyga ka ciyaarta Kenya

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

July 10, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu daah-furay xarunta dhexe ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In