Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Koox Soomaali ah oo ka badisay koox Kubadda Koleyga ka ciyaarta Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Koox Soomaali ah oo ka badisay koox Kubadda Koleyga ka ciyaarta Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Koox Soomaali ah oo ciyarta kubadda Kolayga ayaa xalay ka badisay kooxda kubadda kulayga ee Co-operative Bank oo ka mid ah kooxaha ugu sareeya horyaalka Kubadda Kolayga ee dalka Kenya.

Kulanka oo ahaa mid saaxibtinimo, waxaa ka qeyb galay taageerayaal u badnaa Soomaali, danjiraha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ku xigeenkiisa iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Kooxda Soomaalida ah oo ka timid Woqooyiga Ameerika (Canada iyo USA) ayaa awood sarreysay ciyaarta, waxayna soo bandhigeen ciyaar xirfad leh.

Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 62:93 oo ay guusha ku raacday kooxda Soomaalida ah. Tababraha kooxdan Axmed Yaasiin

ayaa sheegay in dhallinyaradan oo u ciyaara jaamacado iyo kooxo ka dhisan Mareykanka iyo Canada ay yihiin kuwo awooda in ay badiyaan kulammada u harsan ee ay ka qeyb gali doonaan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo daawanayay ciyaarta ayaa saxaafadda u sheegay in wax lagu farxo ay tahay in dhallinyaro Soomaaliyeed oo xirfad sarreysa leh ay u soo baxaan waddankeena.

“Farxad ayay u tahay dadka Soomaaliyeed in ay arkaan dhallinyaro xirfaddaan leh oo guulo gaaraya, annaga safaarad ahaan aad ayaan u soo dhaweyneynaa” ayuu yiri danjire Jamaal.

Kooxdaan ayaa kulamo kale oo kooxeed ku yeelan doona dalka Kenya, ka hor inta aysan u bixin koxoda qaranka ee dalka Kenya toddobaadka soo socda.

thumb_IMG_1596_1024

Previous Post

Madaxweynaha: “Qaaradda Afrika kaalin weyn ayay ka geysatey taageerada Soomaaliya”

Next Post

Ogeysiis Muhiim ah oo ku saabsan xilliga uu dhacayo imtixaanaadka dugsiyada G/Banaadir

Next Post

Ogeysiis Muhiim ah oo ku saabsan xilliga uu dhacayo imtixaanaadka dugsiyada G/Banaadir

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In