Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Muqdisho- 26-05-2016- Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan kula qaatay ergada suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka kala timid gobollada dalka isalmarkaana ka qeyb gashay shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo hoggaanka cusub ee NUSOJ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa ugu hambleeyey saxaaafadda Soomaaliyeed sida dimuquraadiyada leh ee ay u doorteen hoggaanka cusub. Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashadii NUSOJ ee Muqdisho lagu qabtay cashar u ahayd in Soomaaliya dhan walba ka soo kabaneyso.

“Waxaan rabaa inaan idin ku hambalyeeyo doorashadii quruxda baneyd ee aad isku doorateen ee Muqdisho ka dhacday 17 May 2016, waxa ay ka mid tahay biseeylka Soomaaliya ay gaareyso oo ay meel walba kaga soo kabaneyso, cashar ayaa dhigateen waana idin ku amaanayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyey guddiga Badbaadada Saxaafadda ee u soo dhabar adeegay inay mideeyaan saxaafadda Soomaaliyeed oo ay si guul ah ay ku soo dhamaadaan shirweynahii Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo doorashooyinkii hoggaanka cusub ee NUSOJ.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabay codsi Suxufiyiinta ay u soo jeediyeen oo ahaa in gar-gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah madaxweynaha uu u qaado Wariye Cabdirisaaq jaamac (Black) oo mar sii horreysay ay dhaawac daran u geysteen dhagar-qabayaasha Al Shabaab ayaa yiri” Cabdirisaaq Black arintiisa aad iyo aad ayey u xaanuun badan tahay , dhowr mar ayuu qaliin galay waan la socdaa xaaladiisa. Abdirisaaq Black waa la daaweynayaa, daaweyntiisa aniga ayaa ballan qaadaya, meeshii inoogu fudud una dhaqso badan ayaan caafimaad ugu qaadeynaa Alllaah ayaana kaga baryayaa inuu cafimaad deg deg ah siiyo “

Marnaba raali kama nihi, waana ina xanuunjineysaa in wariyayaasha la handado, la cabsi geliyo, la waxyeeleeyo ama la dilo, Dowladda waad ogtihiin in intii awoodeeda ah ay ka ilaaliso cadowga dilaya, dilayaasha wariyayaashuna qaarkood ay soo qabtay sharcigana marsiisay kuwa kalana waa la soo qaban doonaa haddii Allaah yiraah” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Ururka Suxufuyiinta Qaranka ee NUSOJ uu ka mid yahay ururada bulshadda rayidka ah ee madaxa-banaan , sharciyadoodana waxa ay ku timaadaa kalsoonida iyo rabitaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed, sidaa daraateed Madaxda NUSOJ waa in ay ku dedaalaan mideynta,wadajirka iyo u istaagida danaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambenytii, Madaxweynaha ayaa ku dhiira-geliyey suxufiyiinta Soomaaliyeed howlaha shacabkood ay u hayaan islamarkaanna ugu baaqay in ay sii laba-laabaan ka shaqeynta nabadda iyo horumarka iyo qeyb-qaadshadda dib u dhiska dalkooda Hooyo

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Denmark “SAWIRRO”

Next Post

Marwada madaxweynaha dalka oo xaflad Ankara uga qeyb-gashay+SAWIRRO

Next Post
Marwada madaxweynaha dalka oo xaflad Ankara uga qeyb-gashay+SAWIRRO

Marwada madaxweynaha dalka oo xaflad Ankara uga qeyb-gashay+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In