Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo booqday xarunta dhaqancelinta dhalinyarada ka soo goosata Shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo booqday xarunta dhaqancelinta dhalinyarada ka soo goosata Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka gaarka ah ururka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa booqday xafiiska hay’adda dhaqancelinta dhalinyarada ka soo baxsatay Al shabaab, isaga oo la kulmay agaasimaha guud ee hay’adda Mudane Malik Cabdalla iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda.

Booqashada Amb. Madeira ayaa waxaa ku wehliyay safiirka dalka Burundi u qaabilsan Soomaaliya, Taliyaha Ciidamadda AMISOM iyo saraakiil kale, waxaana uu ku bogaadiyay madaxda hay’adda sida ay xil isaga saareen xanaaneynta iyo wacyigelinta dhalinyaradan ka soo baxsatay Al shabaab.

Related posts

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026

Sidoo kale, Amb. Madeira ayaa xusay in ururka midowga Africa uu ku dadaali doono sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen xanaaneynta, tababarka, wacyigelinta iyo tiiraanyo bixinta dhalinyaradan, maadaama ay yihiin dhalinyaro markii hore la qalday, kadibna garowsaday inay ka laabtaan, maadaama ay indhahooda ku soo arkeen dhibaatooyin fara badan.

Agaasimaha hay’adda Malik Cabdalla ayaa uga mahadceliyay wakiilka midowga Afrika booqashadiisa, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in ururka midowga Afrika iyo dhamaamba beesha caalamka ay ka sugayaan inay ka garab siiyaan sidii dhalinyaradaan loo bari lahaa xirfado ay ku shaqeystaan, si ay u maareeyaan noloshooda.

Agaasime Malik Cabdalla ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay ka go’antahay in ay dhalinyaradan u sameyso mustaqbal ay noloshooda ku maareystaan si anay u qaldin mar kale. Sidoo kale Agaasimaha wuxuu sheegay in ay baraan xirfaddo kala duwan sida waxbarashada iskooladda caadiga, farsamooyinka gacanta, iyo in loo sameeyo wacyi gelin buuxda, si ay maskaxdooda u gasho wanaaga.

2016528162815 2016528163008 received_1156678931019450 (1)

Previous Post

Kulan Xagjirnimada looga hadlaayo oo nairoobi lagu qabtay+SAWIRRO

Next Post

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo kulan la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Limpopo “Sawirro”

Next Post
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo kulan la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Limpopo  “Sawirro”

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo kulan la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Limpopo "Sawirro"

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

January 19, 2026
0

Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali , today received the Ambassador of the Republic of...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

January 19, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In