Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo kulan la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Limpopo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo kulan la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Limpopo  “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika ayaa kulan kula  qaadatay Jaaliyadda Gobolka Limpopo Magaalada Polokwane ee dalkaasi xilli ay safarro shaqo ku marayeen qaar ka mid ah Gobolada ay Soomaalida u badantahay.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya K/Afrika,Danjire Jamal Barrow Qunsulka Mudane Maxamed Cali MIre ( Nabadoon) iyo Xoghaya Koowaad Mudane Ismaciil Cabdalle Soomane oo kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka tirsan Madaxda Jaaliyadda ​​ayaa waxa ay kulamadooda ku saabsanayeen kala warqaadasho iyo sida loo heli lahaa Jaaliyad mideysan,waxeyna Safaaradda ka codsadeen inay Safaaradda ka caawiso sidii loo heli lahaa hal Jaaliyad.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Polokwane,Dahir Hilowle Xasan oo ka mid ahaa dadkii Kulankan ka hadlay ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay safarka Madaxda Safaaradda isagoo sheegay inay muhiim tahay iska warqabka Safaaradda iyo Jaaliyadda,waxa uuna ka codsaday inay wax ka qabato dhibaatooyinka Soomaalida xagga Sharciyada ka heysta.
“Mudane Safiir kusoo dhawow Limpopo waa Jaaliyad isku xiran oo aan laheen Jaaliyado badan,dadkaan waxey ku faraxsanyihiin soo booqashadaada waxaan kaa codsaneynaa in Soomaalidu sagaalka Gobol aad mideysaan”ayuu yiri Gudoomiye Dahir Hilowle.
Qaar ka mid ah dadkii kasoo qeybgalay Kulanka Jaaliyadda iyo Madaxda ayaa waxey su”aalo ka weydiinayeen Waxqabadka Safaaradda iyo howlaha ay mustaqbalka hiigsaneyso.
Ugu dambeyntii Danjire Jamal Barrow oo la hadlay Jaaliyadd Gobolka Limpopo ugu mahad celiyay Jaaliyadda soo dhaweynta,waxa uu Jaaliyadda K/Afrika ku amaanay inaytahay Jaaliyadda kaliya ee furatay Safaarad,ayna Safaaradda waddo dadaal badan oo ku aadan waxkaqabashada dhibaatooyinka Jaaliyadda gaar ahaan Sharciyada.
“​​​​​​​Safaaradda wax badan way qabatay wax badan oo kale ayaa u dhiman,waan ognahay inaad ku dhibantihiin Sharciyada wadahadal ayaa inoo socda Dowladda K/Afrika,hadii aan garabka is qabsano wax yaabo badan ayaan qaban karnaa” ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.
Todobaadkii hore ayay Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrka booqatay Magaalada Restenburg waxa ay kulan la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka North West, iyadoo tani ay noqoneyso sii xoojinta xiriirka Jaaliyadda iyo Safaaradda.
WD:C/qaadir Axad,Limpopo
IMG_0637 IMG_0646 IMG_0649 IMG_0663 IMG_0696 IMG_0746 IMG_0768
Previous Post

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo booqday xarunta dhaqancelinta dhalinyarada ka soo goosata Shabaab

Next Post

Guddoomiye Guudlaawe oo sheegay iney korortay tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka

Next Post
Guddoomiye Guudlaawe oo sheegay iney korortay tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka

Guddoomiye Guudlaawe oo sheegay iney korortay tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel...

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

April 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa Arbacadii si rasmi ah u daah furay Xarunta Cilmi baarista iyo...

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga

April 23, 2026
0

Safiirka dawlada Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Mohamed Amin Sheikh Osman ayaa Maanta kulan mira dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In