Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda oo guddi u saartay wax-u-qabashada dhaawacyada weerarkii hotel ambbassidor

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya , ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Wasiirka Caddaaladda, Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-jiir. waxaana looga hadlay xaaladda caafimaad ee dadkii ku wax yeeloobay weerarkii waxashnimo ee nabad diidku ay ku qaadeen Hotel Ambassador, Xaaladda guud ee amniga dalka, iyadoo warbixino laga dhageystay Wasiiraddii gurmadka gaarsiiyey shacabkii ay saameeyeen fatahaadda uu sameeyey Wabiga Magaalada Beled-weyne.

Ugu horeyntii, golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wuxuuna sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay falkaasi argagixiso dad isugu jira Shacab iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka F. Soomaaliya iyo askar. Wasiirka ayaa intaasi raaciyey in xiligii uu falkaasi dhacayay goobtu ay ahayd mashquul isla markaana ay dadku u diyaar garoobayeen salaadda maqrib.

Related posts

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026

Golaha Wasiirada ayaa Cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee Hotel Ambassadir, waxayna Tacsi u direen ehellada Muwaadiniintii Soomaaliyeed ee falkaasi uu saameeyey. Golaha ayaa boggaadiyey Ciidamada Ammaanka sida dhiiran ee ay uga jawaabeen dhacadaadaasi. Iyagoo Guddi ka kooban Wasaaradaha, Amniga, Caafimaadka, Arrimaha Dibedda, Awqaafta, Dhalinyarada u saarey wax u qabadashada dadka ugu daran ee xaaladdooda caafimaad an dalka gudihiisa wax looga qaban Karin si dibedda loogu qaado.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Mudane. Maxamed Mukhtaar Ibrahim ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda Fatahaadda Wabiga ee Beledweyne, wuxuna tilmaamay in deegaanka ay ka jirtay xaalad adag xiligii ay tagayeen, wallow hadda ay nolosha ay dib ugu soo noqonayso.

Golaha Wasiirada ayaa magacaabay gudi loo xilsaaray qaban qaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo maalmaha Xorriyadda, waxaa dowlada u qorshaysan inay u samayso dabaal dagyo aad u balaaran oo lagu muujinayo weynayta maalmaha Xorriyadda.

––DHAMAAD—

Previous Post

Madaxweynaha iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain oo muqdisho ku kulmay

Next Post

Wasiirka Waxbarashada dalka oo Mareykanka lagu soo dhaweeyay+SAWIRRO

Next Post
Wasiirka Waxbarashada dalka oo Mareykanka lagu soo dhaweeyay+SAWIRRO

Wasiirka Waxbarashada dalka oo Mareykanka lagu soo dhaweeyay+SAWIRRO

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In