Monday, June 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain oo muqdisho ku kulmay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain oo muqdisho ku kulmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 2 June 2016 (Villa Somalia)—- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Philip Hammond oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa wafdiga uga xog waramey xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dib u dhiska ciidammada iyo mahad celin ku saabsan taageerada Britain ee Soomaaliya.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Mr Hammond ayaa ugu horeyn Madaxweynaha uga tacsiyeeyay geerida shacabkii xalay ay argagixisada ku dileen Muqdisho, waxaana uu intaa kadib soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaalanka argagixisada iyodib u soo nooleynta hay’adaha dowliga.

Labada dhinac ayaa si qota dheer uga wadahadley iskaashiga dhinaca amniga, xoojinta barnaamijka dowladda ee la socodka nidaamka maaliyadda, taageerada barnaamijka isku dhafka ciidammada, iyo wadashaqeynta ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale wasiirka u xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sannadkan doorasho qabato, taas oo dhici doonta waqtiga loogu talagaley ee ah bisha August ee sannadkan 2016-ka. Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey Mr Hammmond inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Mr Philip Hammond ayaa iska hadalkiisa ku soo gabagabeeeyay in Britain iyo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya, dhinacyada horumarka, kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo wax walba oo gacan ka geysanaya in mar kale Soomaaliya ay cagaheeda dib isu taagto.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeybgaley Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

1 2 3 4

Previous Post

Xildhibaannadii ku geeriyooday weerarkii ambbassidor oo wadajir salaaddii Janaasada loogu tukaday+SAWIRRO

Next Post

Xukuumadda oo guddi u saartay wax-u-qabashada dhaawacyada weerarkii hotel ambbassidor

Next Post
Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)

Xukuumadda oo guddi u saartay wax-u-qabashada dhaawacyada weerarkii hotel ambbassidor

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026
0

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

June 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis...

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In