Wasiirka arrimaha dibadda Britain Phillip Hammond iyo Madaxweynaha Kenya ayaa ka wadahadlay ammaanka iyo xaaladda Dalka Soomaaliya, kadib markii ay kulan ku yeesheen Magaalada Nairobe ee Dalka Kenya.
Labada Mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday halista Kooxaha argagixisada ay ku hayaan ammaanka Kenya, iyo sida ay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan la dagaallankooda, waxayna jeex-jeexeen in Kenya aysan nabad noqon karin, iyada oo aan lagu guuleysan nabad ka dhallinta Soomaaliya,
Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in loo baahan yahay in taageero badan oo dhinaca maaliyadda ah loo fidiyo Soomaaliya, si loo burburiyo Kooxda Al Shabaab, loona xoojiyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka hor inta aysan AMISOM ka bixin Soomaaliya.
Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Phillip Hammond ayaa dhankiisa kula taliyay Dowladda Kenya inay sii wado dadaalka lagu soo celiyo nabadda Soomaaliya islamarkaana ay doorkeeda ka qaadato dadaalada socda.
Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho maalintii khamiisti la soo dhaafay, isaga oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Somaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud waxayna ka wadahadleen xaaladda Soomaaliya.