Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka, halka dhageystayaasha ay kala socdaan Idaacadda, uuna taaba gelineyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Shibis Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Guddoomiye ku-xigeenka tartanka Mustaf Maxamed Axmed Warcadeeye ayaa tartamayaasha degmada Shibis u jeediyay digniin ah inay ilaaliyaan sharuucda u degsan barnaamijka, oo ay codka kor u qaadaan.
Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Shibis iyo Kaxda iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Shibis iyo Kaxda waxey noqotay sidan:-
Shibis
Tartamayaasha Degmada Shibis sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Hal su’aal oo waxa ay iska qaldeen lix su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Shibis ay heleen noqoneysaa 2 dhibcood (Labo dhibcood).
Kaxda
Tartamayaasha Degmada Kaxda waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen 4 u’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Shibis, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Kaxda ka dhigeysaa inay heleen 8 dhibcood (Sideed dhibcood).
Hadaba kulankii 3aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka afaraad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Wadajir iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Galgaduud.
Halkan ka dhageyso
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir