Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenya oo UnCHR ka dalbatay in ay ka gacan siiso Dib u celinta Qaxootiga.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Kenya oo UnCHR ka dalbatay in ay ka gacan siiso Dib u celinta Qaxootiga.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday hay’adda Q.M u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR in ay taageerto go’aankeeda ku aadan dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab.

Afhayeenka Madaxtooyada ee dalka kenya Manoah Esipisu oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ay ka wada hadleen arrimo la xiriira dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha Dhadhaab.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

May 12, 2026

Wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Uhurru uu ka dalbaday UNHCR in ay si cad u taageerto go’aanka dowladda Kenya ee ah in dalkooda dib loogu celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed, maadama xaaladda dalka Soomaaliya ay iminka wanaagsantahay.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii Dowladda Kenya ay ugala shaqeyn lahaayeen dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed, balse ay mudantahay in la tixgaliyo sharciga caalmiga ah ee qaxootiga.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore ku nuuxnuuxsatay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda looga baahanyahay in dalkooda ay dib ugu noqdaan, si ay uga qeybqaateen horrumarkiisa.
kenya iyo UNHCR

Previous Post

Maxkamadda Degmada Hodan oo baafinaysa shaqsiyaad

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo $500,000 gudoonsiiyay shirkadda dhiseysa waddada Wadnaha “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo $500,000 gudoonsiiyay shirkadda dhiseysa waddada Wadnaha “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo $500,000 gudoonsiiyay shirkadda dhiseysa waddada Wadnaha "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

May 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane...

Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

May 12, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa ka hadashay caqabadaha ka jira Garoonka Aadan Cadde. Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa...

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In