Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada XDS oo la wareegay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen deegaanka Yasooman ee G/Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ciidamada XDS oo la wareegay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen deegaanka Yasooman ee G/Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM, ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Talis ay hore u lahaayeen Ciidamada Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya oo ku yaalla Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee gobalka Hiiraan.

Saldhiggan ayaa ahaa, goobtii ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka soo qorsheeyeen Weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Saldhig ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen tuulada Halgan, halkaas oo lagu dilay 120 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Labo Xidigle Muuse Xasan Garaad oo ka mid ah Saraakiisha Hoggamineysa Ciidamada Howlgalka Sameeyay, ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Saldhiggan uu yahay mid Istiraatiiji ah, Iskuoo isku xira Magaalooyinka Halgan, Buulo Burde iyo Maxaas, islamarkaana aysan wax iska caabbin ah kala kulmin Maleeshiyaadkii ku sugnaa Halkaasi oo isaga baxay ka hor inta aysan ciidamada Gaarin deegaankaasi.

“si looga hortago weerarrada ay ku talagaleen kooxaha Argagixisada, Bisha Cibaadada ee Alle uu Xarrimay daadinta dhiigga Muslimiinta, ayaan qaadnay Guluf Colaadeed oo ka dhan ah, waxaana ciidamadu ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Yasooman oo Saldhig weyn u ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab ee gobalka Hiiraan, waana halkii ay kasoo abaabuleen weerarkii Halgan”. Ayuu Yiri Muuse Afweyne.

Yasooman, ayaa Talis Ciidan u ahaa Xoogga Dalka Soomaaliya, waxa uu hoosta uga jiraa  Buur Weyn oo aad istiraatiiji ugu ah ciidamada islamarkaana u dhaxeysa Magaalooyinka Maxaas, Halgan iyo Buulo Burde ee gobalka Hiiraan.

Previous Post

WFP “Muhiimaddeenna koowaad waa xaqiijinta tayada iyo bad qabka caawinaadda aan bixino”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In