Wednesday, September 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada XDS oo la wareegay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen deegaanka Yasooman ee G/Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidamada XDS oo la wareegay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen deegaanka Yasooman ee G/Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM, ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Talis ay hore u lahaayeen Ciidamada Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya oo ku yaalla Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee gobalka Hiiraan.

Saldhiggan ayaa ahaa, goobtii ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka soo qorsheeyeen Weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Saldhig ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen tuulada Halgan, halkaas oo lagu dilay 120 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Labo Xidigle Muuse Xasan Garaad oo ka mid ah Saraakiisha Hoggamineysa Ciidamada Howlgalka Sameeyay, ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Saldhiggan uu yahay mid Istiraatiiji ah, Iskuoo isku xira Magaalooyinka Halgan, Buulo Burde iyo Maxaas, islamarkaana aysan wax iska caabbin ah kala kulmin Maleeshiyaadkii ku sugnaa Halkaasi oo isaga baxay ka hor inta aysan ciidamada Gaarin deegaankaasi.

“si looga hortago weerarrada ay ku talagaleen kooxaha Argagixisada, Bisha Cibaadada ee Alle uu Xarrimay daadinta dhiigga Muslimiinta, ayaan qaadnay Guluf Colaadeed oo ka dhan ah, waxaana ciidamadu ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Yasooman oo Saldhig weyn u ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab ee gobalka Hiiraan, waana halkii ay kasoo abaabuleen weerarkii Halgan”. Ayuu Yiri Muuse Afweyne.

Yasooman, ayaa Talis Ciidan u ahaa Xoogga Dalka Soomaaliya, waxa uu hoosta uga jiraa  Buur Weyn oo aad istiraatiiji ugu ah ciidamada islamarkaana u dhaxeysa Magaalooyinka Maxaas, Halgan iyo Buulo Burde ee gobalka Hiiraan.

Previous Post

WFP “Muhiimaddeenna koowaad waa xaqiijinta tayada iyo bad qabka caawinaadda aan bixino”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan...

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In