Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barlamaanka oo u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobbo ka mid ah dastuurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 15, 2016
in Wararka
0
Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobbo ka mid ah dastuurka KMG ah.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa Xildhibaanada waxa ay wax ka badal ku sameeyeen qodobka 60aad farqadiisa 1aad iyo qodobka 136 farqadiisa 2aad ee dastuurka KMG ah.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025

Baarlamaanka ayaa u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobada aan kor ku soo xusnay, iyadoo ay cod gacan taag ah ku codeeyeen 215 mudane, waxaana haa ku ogolaatay 208 mudane afar mudane waa ay diiday, halka saddex mudane ay ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista ee baarlamaanka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa sheegtay in labada qodob ee uu baarlamaanka wax ka badal ku sameeyay ay yihiin kuwa muhiim u ah Qaranka, isla markaana ay kala quseeyaan in uusan dalka noqon dastuur la’aan iyo baarlamaan la’aan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in laga bilaabo maanta uu baarlamaanka galayo fasax cidda ah, maadaama ay dhamadeen sharuucda hor tebinta leh.

 

 

 

Previous Post

Hanaanka siyaasadda ee dhallinyarada Qaranka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Next Post
Ra’isul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah...

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

August 9, 2025
0

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyay Madaxa Hay’adda  Läkarmissionen International...

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
0

Iyadoo la fulinaayo amarka ka soo baxay  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa hoggaanka Xiriirka Bulshada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In