Tuesday, October 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka dalka oo kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan Midowga Yurub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka dalka oo kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan Midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carteh iyo wafdi uu hogaaminayay oosafar shaqo ku jooga dalka Biljimka ayaa la kulmay madax kala duwan oo ka tirsan Midowga Yurub.

Mudane Carte ayaa kala hadlay madaxdaasi arrimo baadan oo ku saabsan horumarka iyo samafka ay siiyaan Soomaaliya. Waxaa kale oo barbar socday kulamo kale oo Midoga Yurub soo qaban-qaabiyeen oo looga hadlayey sidii loo hirgelin lahaa Agendaha 2030 ee Horrumarka Waara.

Related posts

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

October 28, 2025
C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025

R/wasaare ku xigeenka ayaa ka qayb qalay  furitaanka shir muhiim ah isaga iyo hoogaamiyayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin, Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, Boqoradda Belgium, Madaxwaynayaasha Mauritius, Burkino-Faso, Kenya, R/wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo badan.

Shirkaas oo lagu falanqaynayey doorka ay Midowga Yurub ka qaadan karto dib u dhiska wadamada ay saameeyeen, dhibaatooyinka la xiidhiidha is bedelka cimilada adduunka iyo dagaallada sokeeye iyo sida ay bulshadu ugu dhabar adaygi layhayd aafooyinka.

R/wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamaed Cumar Carte ayaa  kulumo gaar gaar ah oo kala duwan la’yeeshey Gudiyadda Midowga Yurub. Sida, gudiga Iskaashiga Caalamiga, Arimaha Dibedda, ganacsiga,  iyo Amniga.

 Carte oo warbixin ka bixiyay horumarka iyo guulaha laga gaaray xagga amniga, dhaqaalaha iyo siyaadda dalka. isagoo hoosta ka xariiaqay in Somalia aanay uga bixin Karin marxaladdan macaawino keliya ee loo baahan yahay in dawladaha iyo sharikadaha Yurub ay Somalia maalgashadaan.

Mudane, Maxamed Cumar Carteh, waxuu sidaa si la’eg u xaqiijiyay in dowladda ka go’an tahay in sanadkan 2016ka ay waddanka doorasho ka dhacayso, lana fulinayo balan qaadkii ahaa in dowladdu xukunka ku wareejiso dawlad la soo doortay.

Ra’iisul Wasaara ku xigeenku wuxuu ku adkeeyay madaxda sare ee Midowga Yurub in ay Somalia si buuxda uga taageeraan sugidda amniga, ilaalinta khayraadka iyo amniga badaha iyo xeebaha Soomaaliyeed.

Waxay Midowga Yurub u xaqiijiyeen Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka in ay ku faraxsan yihiin soona dhawayeen horumarka dowladdu ay ka sameysay dhinacyo badan sida kobcinta dhaqaalaha, amniga, iyo meel-marinta siyaasadda amniga badaha iyo xeebaha Soomaaliyeed.

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee todobadkii la soo dhaafay+Sawirro

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

October 28, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyay shirka Amniga oo lagu gorfeeyay...

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS, Mudane Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa u magacaabay Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare), Agaasimaha Waaxda Warfaafinta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

October 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya....

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Mashruuc cuno qeybin ah oo laga daah-furay Hirshabeelle

October 27, 2025
0

Wajiga koowaad ee mashruuc cuno qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa laga bilaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In