Wednesday, June 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo shirar muhiim ah uga qeyb galay dalka Belgium “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka, Xulashada
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo shirar muhiim ah uga qeyb galay dalka Belgium “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdishu, 15-17 June, 2016: Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuriyadda Federaalka Soomaalia Mudane Maxamed Cumar Carteh iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa safar shaqo ku tagay magaalda Brussels ee dalka Belgium, xarunna u ah Midowga Yurub. Shirkaas uu la qaatay madaxda kala duwan ee Midowga Yurub, wuxu kala hadlay arrimo baadan oo ku saabsan horumarka iyo samafalka wadamada iyo Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya. Waxaa kale oo barbar socday kulamo kale oo Midoga Yurub soo qaban-qaabiyeen oo lagaga hadlayey sidii loo hirgelin lahaa Agendaha 2030 ee Horrumarka Waara.

Ra’iisual Wasaaraha ayaa waxuu ka qayb qaatay xaflad furitaanka isaga iyo hoogaamiyaal kala duwan oo kamid yihiin, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Boqorada Belgium, Madaxwaynayaasha Mauritius, Burkino-Faso, Kenya, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo badan. Shirkaas oo lagu falanqaynayey doorka ay Midowga Yurub ka qaadan karto dib u dhiska wadamada ay saameeyeen, dhibaatooyinka la xiidhiidha is bedelka cimilada adduunka iyo dagaalada sokeeye iyo sida ay bulshadu ugu dhabar adaygi layhayd aafooyinka.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamaed Cumar Carteh ayaa waxa uu kulumo gaar gaar ah oo kala duwan la’yeeshey Gudiyadda Midowga Yurub. Sida, gudiga Iskaashiga Caalamiga, Arimaha Dibedda, ganacsiga, iyo Aminiga.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Ra’ iisul Wasaare Ku-xigeenka oo warbixin ka bixiyay horumarka iyo guulaha laga gaaray xaga amniga, dhaqaalaha iyo siyaadda dalka. Mudane Mahamed Cumar Carteh ayaa hoos ka xariiaqay in Somalia aanay kaga bixin Karin marxaladdan macaawino keliya ee loo baahan yahay in dawladaha iyo sharikadaha Yurub ay Somalia maalgashadaan.

Mudane, Maxamed Cumar Carteh, waxuu sidaa si la’eg u xaqiijiyay in dowladda ka go’an tahay in sanadkan 2016ka ay waddanka doorasho ka dhacayso, lana fulinayo balan qaadkii ahaa in dowladdu xukunka ku wareejiso dawlad la soo doortay.

Ra’iisul Wasaara ku xigeenku wuxuu ku adkeeyay madaxda sare ee midowga Urub in ay Somalia si buuxda uga taageeraan sugida amniga, ilaalinta khayraadka iyo amiga badaha iyo xeebaha Soomaaliyeed.

Waxay Midowga Yurub u xaqiijiyeen Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka in ay ku faraxsan yihiin soona dhawayeen horumarka dowladdu ay ka sameysay dhinacyo badan sida kobcinta dhaqaalaha, amniga, iyo meel-marinta siyaasadda amniga badaha iyo xeebaha Soomaaliyeed.

Alaa Mahad Leh!!!

IMG_0200_1 IMG_0203 IMG_0205 IMG_0215 IMG_0250 IMG_0298 IMG_0302 IMG_0303 IMG_0306 IMG_0307 IMG_0308

Nimco Mohmoud isse 
Communication Officer DPM
Previous Post

Mareykanka oo sheegay in kooxda Shabaab ay qarka u saaranyihiin burbur

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In