Monday, November 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Dugsi sare oo laga dhisay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Dugsi sare oo laga dhisay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda waxbarashada dawlad goboleedka Galmudug ayaa gudiga waxbarashada deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ku wareejisay  Iskuul sare oo dhismihiisa la soo gabangabeeyay.

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Galmudug , kormeerayaal ka tirsan wasaarada, maamulka deegaanka Baxdo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qaybgalay munaasabadda wasaaraddu ku wareejinaysay dhismaha Iskuulkan sare oo ay maalgalisay USAID.

Related posts

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

November 3, 2025
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

November 3, 2025

Xasan Salaad  Sabriye Xoghayaha arrimaha bulshada magaalada Baxdo ayaa sharaxaad ka bixiyay qaybaha Iskuulkan uu ka koobanyahay, kuwaas oo kala ah 4-fasal, 2-xafiis iyo 8-musqulood, dhul baaxad wayna oo uu ku fadhiyo.

Jaamac Cali Salaad oo ka tirsan gudiga waxbarashada magaalada Baxdo ayaa sheegay in dhismaha Iskuulkan uu wax badan ku soo kordhinayo waxbarashada magaalada, iyadoo aradada dugsiyada sare oo horay meel dayacan wax ugu baran jiray ay hadda helayaan meel ku haboon waxbarashada.

Axmednuur Cusmaan Cali agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada dawlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dhismaha Iskuulka sare ee Baxdo uu ka mid yahay mashruux iskuulo badan looga dhisayo degmooyin badan oo Galmudug ah.

Dhismaha Iskuulka sare ee magaalada Baxdo ayaa ka mid ah mashaariicda hormarineed ee sanadkan hirgalay, kaas oo wax wayn ka taraya baahiyada waxbarasho ee deegaanka.

DSC0010 DSC00106

DSC00403

DSC00415

DSC00407

DSC00104

Maxamuud Cabdi Diirshe Cadaado

Previous Post

Dhallinyaro deeq raashin ah gaarsiisay dad ka barakacay dagaal beeleedyo ka dhacay Gobolka Sool+Sawirro

Next Post

Horumarinta deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud oo laga shiray+Sawirro

Next Post
Horumarinta deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud oo laga shiray+Sawirro

Horumarinta deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud oo laga shiray+Sawirro

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

November 3, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaasi oo ay Golaha...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

November 3, 2025
0

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa ka hadlay tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta, kaddib...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,iyagoo...

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026

November 3, 2025
0

Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa lagu ansixiyay filashada miisaaniyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In