Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha booliska oo la kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha booliska oo la kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheakh Xasan Xaamud iyo mas’uuliyiin ka socday Midowga Yurub ayaa maanta ku kulmay xarunta akadeemiyadda booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Kulankaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya booliska Soomaaliyeed iyo Midowga Yurub iyo sidii Midowga Yurub uu gacan lixaad lihi uga geysan lahaa dib u dhiska ciidanka booliska, iyadoo laga wada hadlay xoojinta iyo wada shaqeynta booliska Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026

Mas’uuliyiinta ayaa markii ay gaareen xarunta Jeneraal Kaahiye kormeer ku sameeyey howlaha socday oo ay ka mid ahaayeen tababbaro u socda ciidamo ka mid noqonaya Booliska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeye Gaas Maxamed Sheakh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiisha ciidanka Booliska ayaa mas’uuliyiinta Midowga Yurub uga warbixiyey howlaha muhiimka oo ay hayaan booliska Soomaaliya.

“Waxaan ka wada hadalnay mas’uuliyiinta aan la kulanay howlaha kala duwan oo ay hayaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxey u socdeen iney hubiyaan sida loo fuliyey mashaariicda kala duwan oo ay nasiiyaan”ayuu yiri Taliyaha booliska.

Sareeye Gaas Maxamed Sheakh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta Midowga Yurub oo ay la kulmeen ay u muujiyen diyaar garowga ay haatan wadaan Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaan sidoo kale u sheegnay in diyaar garow an ku dooneyno inan kula wareegno ammaanka aan wadno, Maadaama AMISOM mar waliba aysan nala joogeynin”ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha.

2 3 5 6 7 8 10 11 12 13 15 16

SAMSUNG DIGITAL CAMERA

SAMSUNG DIGITAL CAMERA

Previous Post

Tartamayaasha degmada Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga xiga

Next Post

Dhageyso Barnaamij ka hadlaya halgankii xornimada dalka

Next Post
Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamij ka hadlaya halgankii xornimada dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ee ku jira dugsiga tababarrada Qoriloow...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In