Madaxweynaha dowladda Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayey sida ay Soomaaliya ku yeelan karto ciidan Qaran ayaa qabyaalada ku tilmaamay ‘Asnaam’ ay dadka Soomaaliyeed caabudaan – Inta ay qabyaaladu jirtana aan laga adkaan doonin Al-Shabaab.
Madaxweynaha Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayey sida ay Soomaaliya ku yeelan karto ciidan Qaran ayaa qabyaalada ku tilmaamay ‘Asnaam’ ay dadka Soomaaliyeed caabudaan – Inta ay qabyaaladu jirtana aan laga adkaan doonin Al-Shabaab.
Axmed Midoobay ayaa soo jeediyay Talo ah in Dhisma Ciidanka Soomaaliyeed lagu saleeyo habdeegaan.”wuxuu ku baaqay in Saraakiil cusub oo qabyaalada ka madax banaan bud dhig looga dhismaha ciidan Qaran oo ay Soomaaliya yeelato. Isagoo ku tilmaamay Saraakiisha duqowday in ay saameyn ku yeelatay qabyaaladu isla markaasna.
Wuxuu yiri “Waxaan u baahanahay saraakiil yaryar oo hadda waxbaratay oo niyad fiican leh oo saafi ah oo xor ka ah qabiilka in la helo”.
Madaxweynaha dowladda Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam, ayaa hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ugu baaqay dadaalka badan ee ay galinayaan siyaasada in loo weeciyo dhismaha ciidanka Qaran, Wuxuuna soo jeediyey qorista ciidanka in lugu saleeyo hab-deegaan.
Sidoo kale wuxuu walaac ka moojiyey darajooyinka ciidamada. Wuxuuna sheegay in aysn jirin wax tixraaca ah oo lagu garan karo darajada ciidamada laga safay xiligii burburka.
Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyey Shirjaaraa’id oo uu saxaafada ugu qabtay aqalka Madaxtooyada ee looga arimiyo Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbalaand, Ka dib tukashadii salaada Iidu Fitriga.
ISHA SONNA