Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulankii Dawladda F. iyo Dawlad Goboleedka Jubbaland, ee Wadatashiga Siyaasadda Amniga Qaran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Kulankii Dawladda F. iyo Dawlad Goboleedka Jubbaland, ee Wadatashiga Siyaasadda Amniga Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qodobada Gundhiga u ah shirku waxay ahaayeen

Kadib markii la dhagaystay, qudbadii Ra’isalwasaare ku xigeenka ee guudmarka Siyaasada Amniga Qaranka (NSP), ee lagu ansixiyay, Kulankii Madasha Hoggamiyayaasha Qaranka Soomaliyeed, Mogadishu, Bishii June 2016.

Related posts

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

April 16, 2026
Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyey kulan muhiim ah oo Washington ka dhacay

Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyey kulan muhiim ah oo Washington ka dhacay

April 16, 2026

Marka la dhagaystay, dardaarankii Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland, Muddane Ahmad Mohamed Islam, ee uu ku muujiyay, muhimada ay Siyaasada Amniga Qaranku (NSP) u leedahay dalka iyo dadka Soomaliyeed;
Markii loo kuurgalay, qaabka wadashaqaynta iyo taakulaynta ciidanka Amaanka xeebaha badaha Soomaliyeed ee Heer Federaal iyo Heer Goboleed, iyo laysla afgarto, wasaarada masuulka ka haan lahayd, Hoggaminta Amniga Xeebaha Badaha Soomaliyeed iyo hawlgalinteeda.

Waxaa kale oo la falanqeeyay, muhimada iyo masuuliyada dhinacyada, Cabirka Xeebaha badaha Soomaliyeed ee heer gobol iyo heer Federaal iyo waliba Magaca loogu yeedhi lahaa Amniga Xeebaha, sida, Booliska Xeebaha (Maritime police) ama Ilaalinta Xeebaha (Coast Guard).

Waxaa kale oo laga wada xaajooday, habkii loo dhaqan galin lahaa, qaab-dhismeedka cusub ee Ciidanka Booliska Soomaliyeed ee lagu ansixiyay, shirkii madasha hoggamiyayaasha qaranka Soomaliyeed, Baydhabo, bishii June 24kii, 2016.

Iyada oo la tixgalinayo, qaab-dhismeedka Ciidanka Qaranka ee Xogga dalka Soomaliyeed, inkasta oo laysku raacay, inuu yahay heer Federaal, waxaa muhiim ah inay jirto qaabka wadashaqaynta dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka.

Waxaa guddigii farsamada ee loo xilsaaray, isku raaceen:
Qaabka wadashaqaynta iyo taakulaynta ciidanka Amaanka xeebaha badaha Soomaliyeed ee Heer Federaal iyo Heer Goboleed,ayaa laysla afgartay in Hoggaminta Amniga Xeebaha Badaha Soomaliyeed iyo hawlgalinteeda wasaarada masuulka ka ah.

Waxaa kale oo laysla afgartay, muhimada Cabirka Xeebaha badaha Soomaliyeed ee heer gobol iyo heer Federaal iyo waliba Magaca koogu yeedhi lahaa Amniga Xeebaha, oo ah Booliska illalinta Xeebaha badaha Soomaliyeed (Maritime police) .

Magacaabista Xubnaha joogtada ah (Focal point), ee dawlad goboleedka jubbaland uga qayb galaya, kulamada Amniga qaranka iyo Amniga xeebaha badaha Soomaliyeed (Mscc).

Waxaa guddiga farsamada ee dawlad goboleedku soo jeediyeen 7da qodob oo xoojinaya Siyaasada Amniga qaranka (NSP).

3 1

unnamed

 

Previous Post

Toban qofood oo ku dhimatay shil Tareen oo ka dhacay dalka Talyaaniga+Sawirro

Next Post

Wasaaradda wax barashada oo billowday barnaamijka wax barashada dadban

Next Post
Wasaaradda wax barashada oo billowday barnaamijka wax barashada dadban

Wasaaradda wax barashada oo billowday barnaamijka wax barashada dadban

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

April 16, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka yaa gurmad biyo Dhaamin ah u sameeyay shacabka ku dhaqan Deegaanka Dhanaane ee duleedka Degmada Marka oo...

Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyey kulan muhiim ah oo Washington ka dhacay

Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyey kulan muhiim ah oo Washington ka dhacay

April 16, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

April 16, 2026
0

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Muqdisho uga qeyb...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

April 16, 2026
0

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday Tallaabo Israa’iil Ku Wajahan oo Wax u Dhimaysa Madaxbannaanideeda iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In