Tartanka ciyaaraha kubadda cagta ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga wax ka barto ayaa ka bilowmay magaalada Eskişehir ee dalka Turkiga.
Tartankaas oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 100 ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha ku yaala magaalooyinka kala duwan ee dalka Turkiga.
Tartankaa waxa soo qaban qaabiyay Ururka midowga ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga, waxaana fududeeyay wasaarada dhalinyarada iyo sportiska dalka Turkiga iyo hay’adda YÜDER.
Furitaanka tartanka ayaa waxaa ka soo qayb galay madax sar sare oo uu ugu horreeyay safiirka Soomaaliya u fadhiyo dalka Turkiga Cabdullahi Maxamed Cali (shanbaloolshe ) qunsulka Safaaradda Cabdulkadir Maxamed Nuur (Jaamac), u qaabilsanaha hidaha iyo dhaqanka safaaradda , guddoomiyaha guud ee ururka midowga ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga , madax ka socotay wasaaradda dhalin yarada iyo sportska iyo hay adda YÜDER.
Furitaanka tantanka waxaa ka hadlay safiir C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) , guddoomiyaha ururka midowga ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga Maxamed Cabdullahi Xashi iyo madax kale.
Waxaa sidoo kale billad sharaf la guddoonsiiyay danjire Cabdulahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe ).
Tartanka oo ay ka qayb gelaayaan kooxo ad adag oo kala kala socda jaamacadaha ku yaala magaalooyinka waa weyn ee dalka Turkiga oo ay ugu horeyso magaalada Istanbuul , Izmir , Kutahya , Bursa, adana ,Edirne , Samsun, Manisa ,Sakarya. Iyo magaalooyin kale.
Tartanka ayaa socon doono muddo isbuuc ah wixi natiija ah oo ka soo baxo iyo kooxda ku guuleysata koobkana waa idinla soo socodsiin doonaa.