Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka caddaaladda oo Dhagax dhigay dhismaha Dugsi wax lagu barayo Maxaabiista (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka caddaaladda oo Dhagax dhigay dhismaha Dugsi wax lagu barayo Maxaabiista (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda caddaaladda Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac (Ilka jiir) ayaa maanta dhagax dhigay Dugisga Xabsiga dhexe ee Xamar,kaasoo loogu tala galay  inay wax ku bartaan maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) oo halkaasi kahadlay ayaa sheegay in dugsigan uu noqon doono mid wax lagu baro maxaabiista laguna dhaqan celiyo,wuxuuna sidoo kale ku micneeyay tallaabadan mid kaalin ka qaadaneysa toosinta iyo waxbarida maxaabiista.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

“Dugsigan waxa uu noqonayaa mid ay wax ku bartaan maxaabiista, waxaana lagu kala qiimeyn doonaa heerka ay gaarsiisan tahay aqoontooda”Ayuu yiri Generaal Bashiir Goobe.

Suldaan Maxamed Siciid oo ah ganacsadaha Soomaaliyeed ee maalgalinaya dhismaha dugisga xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa Taliska Ciidanka  Asluubta Soomaaliyeed ku ammaanay dedaalka ay mujiyeen mid  wax badan kusoo kordhiyey Maxaabiista dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr; Axmed Cali Daahir ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in halkii la ciqaabi lahaa oo kaliya wax la baro maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar,wuxuuna taasi ku tilmaamay mid wax weyn ka beddelaysa dhaqankooda.

Ugu dambeyn Wasiirka wasaarada Cadaaladda Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) ayaa ganacsatada kale ku boorriyey in ay muujiyaan doorkooda isagoo u mahad celiyey ganacsadaha maal galinaya howshan iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Asluubta 1Asluubta 2Asluubta 3Asluubta 4Asluubta 5Asluubta 6Asluubta 7Asluubta 8Asluubta 9Asluubta 10Asluubta 11Asluubta 12

Previous Post

Kulan Looga Hadlayo Maalgashiga iyo Xoojinta Bangiyada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay- SAWIRRO

Next Post

Daawo Sawirrada: Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo maanta tababar u furay suxufiyiin

Next Post
Daawo Sawirrada: Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo maanta tababar u furay suxufiyiin

Daawo Sawirrada: Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo maanta tababar u furay suxufiyiin

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In