Magaaladda Muqdisho ayaa xalay Casuumaad casho sharaf ah loogu sameeyay Ciyaartooyda Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo ka qeyb galaaya Tartanka Ciyaraha Goboladda Dalka, Casuumaadaas uu u sameeyay Agaasimaha Waaxdda Cashuuraha Beriga ee wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Muxudiin Maxamed Jurus.
Munaasabadaan oo ahayd mid si wanaagsan u dhacday ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nosoj maxamed Ibraahim Macalimuu oo sheegay in ay munasabadaan Casuumaadda ay tahay mid lagu soo dhaweynaayo kaalinta wanaagsan iyo guusha ay soo hooyeen ciyaartodda ku ciyaareysay magaca Goboladda Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo uu xusay in ay u soo gudbeen Tartanka Semifinalka
Agaasimaha waaxdda cashuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyadda Md Muxudiin Jurus ayaa sheegay in uu siweeyn u soo dhaweynaayo Guusha ay soo hooyeen Ciyaartoydda Goboladda Hiiraan iyo shabeelaha dhexe waxaana uu xusay in ciyaartoydda ay lama huraan tahay in la dhiirigeliyo si muraalkooda kor loogu qaado, waxaana uu halkaasi ku gudoonsiiyay macalinka hogaaminayay Ciyaartoydaasi abaalmarin Lacageeyd oo dhan 1000 Doolar , isagoo sidoo kalana sheegay in haddii ay ciyaarttaan tan xegta hadii ay guuleystaan uu ku abaalmarindoono lacag dhan 2000 Kun oo doolar.
Ciyaartooydda Goboladda Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ee ka qeeybqaadanaaya Tartarka Ciyaaraha Goboladda dalka ee haatan sida habsamidda leh uga soconaya Magaaladda Mugdisho ayaa ku soo baxay Tartarka ugu dambeeya ee Semifinalka
Xulka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa la ciyaari doono kulanka Semi finalka ah xulka maamul Goboleedka Puntland Iyadoo sidoo kalena ay wada ciyaari doonaan xulka ciyaartoydda Gobolka Banaadir iyo Jubbaland.