Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Isbitaal qaabilsan Hooyada iyo Dhallaanka oo laga furay deegaanka Garas-bintoow+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Isbitaal qaabilsan Hooyada iyo Dhallaanka oo laga furay deegaanka Garas-bintoow+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa si wada jir ah Xarigga uga jaray Xarun loogu Tala-galay in Adeegyada caafimaadka loogu qabto Hooyada iyo Dhalaanka ku nool Degmada Balcad  taas oo laga hirgaliyey degaanka Garas-Bintow.

Xafladii lagu furayey xarunta waxaa soo Qaban-qaabiyey Ururka Dhalinyarada Asal,  iyadoo ay ka qayb  galeen Xildhibaano katirsan baarlamaanka iyo Bulshada ku nool degaanka Garas-Bintow ayaa ugu horeyn waxaa la hadlay gudoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen  Guud-laawe isaga oo u mahad celiyey  intii gacan ka gaysatay dhismaha Xaruntaan.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Xildhibaan  Cabdi Shire Ciyaar-Jecel iyo Xildhibaan Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in xarun Caafimaad ay aad ugu baahnaayeen shacabka  degan degmada balcad.

Malaaq Cali Malaaq Maxamed Wehliye  oo ku hadlayey Magaca Nabadoonada ayaa sheegay in bulshada ku nool gobolka shabeelaha dhexe ay ka liitaan Xarumaha Caafimaad iyo waxbarashada loogu talagalay.

Intii ay Munaasabada socotay ayaa xarunta xariga laga jarayey waxa ku dhashay wiil iyadoo loo bixiyey Caseer sida uu ku dhawaqay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaada Cismaan Maxamed Cabdi  “Daallo”

Munasabada inta ay socotay waxaa Shahaadooyin lagu Gudoonsiiyey Arday ka qalin jabisay iskuul markii ugu horaysay laga furay dhawaan degaanka Garas-Bintow.

Xaruntaan Caafimaad ayaa noqonaysa mid wax weyn u tarta shacabka degmada Balcad degan iyaga oo markii hore xaaladaha la xariira dhanka Caafimaadka u soo aadi jiray Magaalada Muqdisho.

IMG_0015-1 IMG_0029-1 IMG_0039-1 IMG_0043-1 IMG_0056 IMG_0194 IMG_0199 IMG_0259 IMG_0315 IMG_0336 IMG_0351 IMG_0363 IMG_0371 IMG_0395 IMG_0398 IMG_0407-1 IMG_0410 IMG_0417 IMG_0421-2 IMG_0431-2 IMG_0434-2

Previous Post

Madaxweynaha: “Cadowga Al Shabaab waxaad u dhigteen cashar lama ilaabaan ah”+Sawirro

Next Post

Shirkii u socday Wasaarada Maaliyadda iyo Maamulada Gobolada oo lagu soo gagabeeyey magaalada Nairobi “SAWIRO”

Next Post
Shirkii u socday Wasaarada Maaliyadda iyo Maamulada Gobolada oo lagu soo gagabeeyey magaalada Nairobi “SAWIRO”

Shirkii u socday Wasaarada Maaliyadda iyo Maamulada Gobolada oo lagu soo gagabeeyey magaalada Nairobi "SAWIRO"

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In