Ururka Dhaqaatirta aan xuduudda laheyn ayaa sheegay in xeebaha dalka Liibiya laga helay 26 meyd oo ah oo Dooni kula qalibantay Badda mediterranean
Uruka ayaa shagay in meydadkaasi ay ka koobnaayeen 25 dumar ah iyo hal qof oo rag ah, waxana la aamin sanyahay in dadkaasi ay saacado dheer Doonida dulsaarnaayeen ka hor inta aaney qalibmin.
In ka badan 200 oo kale oo Tahriibayaal ah oo 50 ka mid ah ay caruryihiin ayaa la sheegay in la soo badbadiyey.
Doonta ayaa la shaagay in shidalkii iyo biyaha ay isku dartay, taasina ay sababtay in dadku ay miyir daboolmaan sida uu Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay Yansi Bagooto oo ka mid ah Mas’uuliyiinta ururka Dhaqaatirta aan xuduuda laheyn.
Dadkan ku haligmay biyaha Badda mediterranean ayaan weli la sheegin meelaha ay dhalasho ahaan ka soo jeedan haseyeeshee dadkii la badbaadiyay ayaa la geeyay in Jaziiradda Siqaliya, iyadoo howsha badbadintana ay ka qeyb qaateen Ciidamada Bada Talyaaniga iyo Spain.