Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Weerarrada ay fulinayaan argagixisada ma hakin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay falkii argagixiso ee maanta lagu beegsadey afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

“Weerarkan waxashnimo ee kooxda argagixisada ay soo qaadeen waxaa ujeedkiisu uu ahaa in shacab badan lagu waxyeeleeyo, lana dhibaateeyo hawlaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed loogu adeegayo ee goobtaasi ka socda. Argagixisadu waxay doonayaan inay shacabka iyo dowladda niyad jebiyaan, taasina ma ahan suuragal, waayo cid walba ayaa ka dheregsan ujeeddooyinka guracan ee kooxdan dembiileyaasha ah ay leeyihiin oo ah inay nolosha u diidaan shacabka, burburna geystaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Waxaa uu madaxweynaha tacsi u diray Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwa AMISOM, qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii iyagoo waajibaadkooda gudanaya lagu dilay weerarkaasi, isagoo kuwa ku dhaawacmeyna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta ee AMISOM, oo mar walba u taagan inay sugaan amniga, cadowgana cashar u dhigaan.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo in ugu dambeyn cadowga laga sifeeyo goobaha yar ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

Previous Post

Ciyaaryahannada Puntland oo ku guulaystay Koobka Horyaalka ciyaaraha gobollada dalka

Next Post

Weerar lagu dilay wadaad masiixi ah oo ka dhacay dalka Faransiiska+Sawirro

Next Post
Weerar lagu dilay wadaad masiixi ah oo ka dhacay dalka Faransiiska+Sawirro

Weerar lagu dilay wadaad masiixi ah oo ka dhacay dalka Faransiiska+Sawirro

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In