Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Weerarrada ay fulinayaan argagixisada ma hakin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 26, 2016
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay falkii argagixiso ee maanta lagu beegsadey afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

“Weerarkan waxashnimo ee kooxda argagixisada ay soo qaadeen waxaa ujeedkiisu uu ahaa in shacab badan lagu waxyeeleeyo, lana dhibaateeyo hawlaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed loogu adeegayo ee goobtaasi ka socda. Argagixisadu waxay doonayaan inay shacabka iyo dowladda niyad jebiyaan, taasina ma ahan suuragal, waayo cid walba ayaa ka dheregsan ujeeddooyinka guracan ee kooxdan dembiileyaasha ah ay leeyihiin oo ah inay nolosha u diidaan shacabka, burburna geystaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Waxaa uu madaxweynaha tacsi u diray Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwa AMISOM, qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii iyagoo waajibaadkooda gudanaya lagu dilay weerarkaasi, isagoo kuwa ku dhaawacmeyna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta ee AMISOM, oo mar walba u taagan inay sugaan amniga, cadowgana cashar u dhigaan.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo in ugu dambeyn cadowga laga sifeeyo goobaha yar ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

Previous Post

Ciyaaryahannada Puntland oo ku guulaystay Koobka Horyaalka ciyaaraha gobollada dalka

Next Post

Weerar lagu dilay wadaad masiixi ah oo ka dhacay dalka Faransiiska+Sawirro

Next Post
Weerar lagu dilay wadaad masiixi ah oo ka dhacay dalka Faransiiska+Sawirro

Weerar lagu dilay wadaad masiixi ah oo ka dhacay dalka Faransiiska+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In